4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Garsoorayaasha Kubadda Kolayga oo tababar loo qabtay (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga ayaa xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ku qabtay tababar ku saabsan tayeynta garsoorka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

Tababbarkan oo ay maal-gelisay Shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya 23 Garsoore oo Kubadda Kolayga ah, kuwaasoo la barayo casharro ku saabsan tayeynta garsoorka iyo weliba la qabsiga shuruucda garsoorka Kubadda Kolayga ee caalamka.

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Dr. Saciid Ducaale ayaa HOL uga warramay ujeeddada tababarkan, wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tababarkan ay tahay in la tayeeyo garsoorka K/Kolayga, si loola jaan-qaado heerka garsoorayaasha K/Kolayga adduunka.

"Tababarkan aan siineyno Garsoorayaasha K/Kolayga, waxaan aaminsan nahay in uu yahay mid sare u qaadi doono tayada garsoorka K/Kolayga, waxaana casharrada bixinaya Lubomir Kotelba oo ah agaasimaha Isboortiga ee FIBA"ayuu yiri Saciid Faarax Ducaale.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaas kaddib xoghaye Siciid waxaa uu mahadcelin ujeediyay Shirkadda Hormuud ee maalgelisay tababarkan, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, Lubomir Kotelba oo ah macallinka casharrada ka bixinayay iyo ka qeybgalayaasha tababarkan.

Tababarkan oo socon doona seddex maalmood waxaa furitaankiisa ka qeybgalay, khudbana ka jeediyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Dr. Khaalid Cumar Cali oo tababarka si rasmi ah u furay, Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Cabdullaahi Axmed Tarabbi, Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Kolayga Cali Xasan Cali, Halyeeyo Isboorti oo ay ka mid ahaayeen Shiine Guhaad, Xaawo Taako, Saacid Cumar Geedi iyo xubno kale.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga ayaa wuxuu dhawaanahanba ku tallaab-sanayay horumar dhinaca isboortiga ah, waxaana xusid mudan inuu guulo ka soo hooyay tartankii All Arab Games ee sanadkii 2011 lagu qabtay dalka Qadar, kaasi oo ay Soomaaliyeed uga qeybgaleen xulka gabdho ah oo lagu diyaariyay dalka dibaddiisa, sidoo kalena, waxaanan la illoobi karin wacdarihii ay ciyaartoy Kubadda Kolayga ah ka dhigeen tartankii Zone-ka ee sanadkii 2013 lagu qabtay dalka Tanzania.

Tartankaas waxaa Soomaaliya ku metelayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo xirfad kubadeed cajiib ah soo bandhigay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]