4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Iska-horimaad khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo uu ku jiro taliye ku xigeenka qaybta booliiska ee gobolka Bay, Col. Nishow Kurtun ayaa ku dhintay, iyadoo shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal gellinkii dambe ee maanta ka dhacay bar-koontarool oo taallay meel ku dhow saldhigga booliiska degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada booliiska iyo kuwa milateriga ee ku sugan gobolka, waxaana dagaalku uu qarxay kaddib markii ciidamada booliiiska ay is-hortaageen gaadiid  waday konteennaro kuwaasoo ay ilaalo ka ahaayeen ciidan ka tirsan kuwa 60-aad ee milateriga Soomaaliya.

Iska-horimaadkan oo ahaa mid culus ayaa dadkii ku dhaawacmay waxaa ka mid ah taliyaha saldhiga booliiska ee degmada Baydhabo, Col. Dugadoow iyadoo afarta qof ee kalena ay dhammaantood ahaa ciidamadii dagaalamay.

Xaaladda magaalada magaalada Baydhabo ayaa caawa kacsan, iyadoo ciidamadii booliiska ay isaga baxeen magaalada, waxaana lagu dhex-arkayaa baabuur kuwa dgaaalka ah oo ay wataan ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya.

Shacabak degmada Baydhabo ayay arrintan walaac xooggan ku beertay, iyadoo ay maalmahan Baydhabo ka socdeen shirar iska soo horjeeda oo mid ka mid ah ay ka soo horjeesatay dowladda Soomaaliya.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Baydhabo ay ka dhacdo xaflad lagu caleemo-saaro madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan la doortay Madoobe Nuunow  Maxamed, inkastoo aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karto xiisadda ka taagan Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo