4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Khilaaf soo dhexgalay dalalka Khaliijka iyo Dalal Danjirayaal la baxay


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Dalalka Sucuudiga, Baxreyn iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa danjiranayaashoodii kala soo dalka Qatar, iyagoo Dooxa ku eedeeyay inay fulin wayday heshiis dhanaca ammaanka ah oo dalalka Khaliijka Carabtu ay horay u gaareen.

War ay sii wadajir ah u soo saareen Arbacada maanta, saddexdana waddan ayay ku sheegeen in Qatar ay saxiixday heshiis saddex bilood ka hor ay gaareen, laakiinse anaay Dooxa qaadin tallaabooyinkii looga baahnaa.

Qoraalka ay soo saareen dalalkan ayay ku sheegeen in wasiirada arrimaha dibadda dalalka Khaliijka ay shireen Talaadadii si ay ugu adkeeyaan Qatar muhimadda uu leeyahay fulinta heshiiskaas.

Iyagoo sheegay in markii wax horumar ah la gaari waayay ay dalalka Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay go’aansadeen inay safiirradooda kala baxaan dalka Qatar si ay u dhawraan amniga iyo xasilloonida dalalkooda.

Saddexdan dal ayaa warka ay wadajirka u soo saareen ku xusay in Qatar ay tahay xubin muhiim ah oo Khaliijka ka tirsan, ayna rajeynayaan inay qaaddo tallaabooyin deg-deg ah oo ay kaga jawaabto heshiiskii ay hore gashay.

Dowladda Qatar ayaa sheegatay inay go’aanka saddexa dal ay danjirayaashoodii ugala baxeen Dooxa ay aad uga yaabisay, balse ma jirto jawaab intaas ka badan oo ay ka bixisay.

“Waxaa naga go’an inaan ka shaqeyno ammaanka iyo xasilloonida dalalka Khaliijka Carabta, taasoo aan horay u go’aansannay uguna heshiinnay, ayaa lagu yiri war ay soo saareen golaha wasiirrada dalka Qatar.

Muranka u dhexeeya Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta ayaa sannadihii aynu soo dhaafnay ahaa mid sare u sii kacayay, iyadoo go’aanka ay saddexdan safiiradooda uga saareen Qatar uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ay ku dhaqaaqaan.

Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta ayaa la dhisay sannadkii 1981-kii, iyadoo ay ka yihiin xubno, Sucuudi  Carabiya, Qatar, Kuwait, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Cummaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya