4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Article 19 iyo SIMHA oo tiro Suxufiyiin ah Tababar uga furay Muqdisho


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Suxufiyiin tiradoodu ahayd 22 kana socday hay’ado warbaahineed oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa siminaar ku saabsan badbaadada iyo ammaanka suxufiyiinta wuxuu uga furmay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa lagu qabtay hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqqdisho, waxaana inta uu socdo ay qaadan doonaan suxufiyiinta casharro ku saabsan badbaadada iyo suxufiyiinta, waxaana casharrada bixin doona khubarro ka socda Hay’adaha Article 19 iyo SIMHA.

Furitaankii Seminaarka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow, Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta madaxa-bannaan ee SIMHA, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo, Patrick oo ka socday hay’adda Article 19.

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geeseey iyo Khubaro Saxaafadeed oo ka tirsan Hay'adda Suxufiyiinta ee Article 19 ayaa maanta Tababar u furay Suxufiyiin ka mid ah kuwa ka hawlgala Warbaahinta magaalladda Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federalka, Md. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi ayaa u mahadceliyey Hay'addaha Saxaafadda ee Article 19 iyo SIMHA dadaalka ay ugu jiraan inay Suxufiyiinta Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadda Tababaradda iyo Kor-u-qaadista Aqoontooda. Wasiirka waxa uu ballan qaaday inay Dowladda Somalia soo dhaweynayso Hay'ad kasta oo  kaalin ka qaadanayso Horumarinta Saxaafadda Somalia.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Radio, Md. Xasan Cali Geeseey oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa ka hadlay qaabka ugu muhiimsan ee ay Suxufiyiinta ku sugi karaan Ammaankooda, kuna xafidi karaan wax kasta oo xog ah oo ay heystaan.  Md. Xasan Cali Geeseey  oo sii hadlayay waxa uu faahfaahin ka bixiyey Waxqabadka Hay'adda Caalamiga ee Article 19 iyo kaalinta ay ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa Suxufiyiinta Soomaalida ee dhibaatooyinka la kulmo. Waxa uu tilmaamay inay Hay'adda Article 19 wax u qabatay Afar Suxufi oo ka hawlgala Koonfurta Somalia, kuwaasi oo loo geystay jirdil iyo dhaawacyo.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Pakistan iyo G/xigeenka Hay'adda SIMHA, Ismaaciil Khaliif oo iyagana ka hadlay Tababarkaasi ayaa ka mahadceliyey dadaalka ay Hay'adda Article 19 iyo SIMHA ugu jiraan Horumarinta Saxaafadda Somalia.

Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa ka hadlay furitaanka Seminaarka, wuxuuna sheegay in NUSOJ ay ku faraxsan tahay tababarka mihiimka ah ee ay hay’adaha SIMHA iyo Article 19 u sameynayaan Suxufiyiinta Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in tababarka uu wax weyn ka tari doono arrimaha ku saabsan ammaanka suxufiyiinta iyo badbaadabooda.  Wuxuu ammaanay Article 19 oo ku tilmaamay urur garab taagan suxufiyiinta Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay suxufi ku dhaawacmay Magaalada Kismaayo oo ay diyaarado khaas ah uga qaadeen Kismaayo iyo Muqdisho, kadibna ay suurtageliyeen in la dhigo Isbitaal casri ah oo ku yaalla Magaalada Nairobi.

Waxaa sidoo kale ka hadlay furitaankii Seminaarka Patrick oo ka socday Article 19, wuxuuna sheegay in Article 19 ay ku dadaaleyso sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen tababarro ku saabsan nabadgelyada iyo ammaanka suxufiyiinta, wuxuuna sheegay in Article 19 ay qaban doonto seminaarro kale oo lagu tababarayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Salaad Iidow Xasan "Salaad Xiis" oo ka mid ah Tifaftirayaasha Website-ka Hiiraan Online ayaa ka hadlay Tababarkaasi, wuxuuna sheegay inay Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo mareen maraaxillo kala duwan. Salaad Xiis, waxa uu tilmaamay inay Suxufiyiinta haatan ka roon yihiin marka loo eego qaabkii adkaa ee ay soo mareen.

Si kastaba ha ahaatee, Tababarka ay Hay'addaha Saxaafadda ee Article 19 iyo SIMHA soo qabanqaabiyeen ayaa waxay Suxufiyiinta ku baran doonaan casharro khuseeya  Xaaladaha ay ku hawl-galaan Suxufiyiinta ku sugan dalalka ay colaadaha ka jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya