4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Dagaal ka dhacay Degmada Rabdhuurre iyo Bannaanbax la Joojiyay

Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Wararka aan ka haleyno gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay weerareen degmada Rab-dhuurre oo 70-km u jirta degmada Waajid, dagaalkana uu hadda ka socda Rab-dhuure; iyadoo dadkii deggenaa degmadaas ay u carareen deeegaannada iyo howdka u dhow degmada.

Mid ka mid ah odayaasha aadka looga yaqaano degmada Rabdhuure oo la yiraahdo Macallin Iimaan ayaa HOL u sheegay inay kasoo tageen deegaankoodii kaddib markii ay maqleen in ciidamada Itoobiya ay soo gudbeen deegaanka Yeed.

“Hadda waxaan ku sugannahay deegaan la yiraahdo Buur-dhuxunle, waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaasta qoryaha culus iyo madaafiic, wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galeen degmada Rab-dhuurre,” ayuu yiri Macallin Iimaan.

Sidoo kale, degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ka qaxay dadkii deggenaa, kaddib markii ay maqleen in ciidamada Itoobiya ay ku wajahan yihiin degmadaas. Warar la hubo ayaa sheegaya in ciiidamada Itoobiya ay ku wajahan yihiin saacada soo socda degmada Xudur, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay difaac ka sameysteen meel 5-km u jirta Xudur .

Dhanka kale, bannaanbax ay qabanqaabiyeen taageerayaasha Madoobe Nuunow oo dhawaaan loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur-galbeed oo ka dhici lahaa maanta Baydhabo ayaa waxaa is-hortaagay ciidamada Itoobiya oo ka mid ah kuwa AMISOM.

Wareysi ay arrintan HOL kala yeelatay Xasan Shurre oo ah guddoomiyaha golaha guurtada ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in arrimo amni awgood loo joojiyay, balse berito la caleemo-saarayo Madoobe Nuunow Maxamed ayna yeereen dhammaan taageerayaashiisa lana sameynayo xaflad weyn oo caleemo-saar ah.

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa saaka waxay adkeeyeen amniga hoteel Bakiin oo uu shir ugu socda maamulka gobaleedka saddexda gobal, iyagoo xiray jidadka soo gala hoteelka si looga hor-tago bannaanbax taageerayaasha Madoobe Nuunow ay dhigaan.

Hiiraan Online, Baydhabo