4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Amnesty oo dalbatay in la xoojiyo Cuno-qabteynta hubka ee Somalia

Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in si buuxda cunno-qateynta hubka ugu soo rogaan Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka hay’adda u qaabilsan Afrika, Michelle Kagari ayaa sheegtay in haddii cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay sii kordhi karto xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee ka dhacaya Soomaaliya.

“Haddii la ogolaado in hubka badan uu galo Soomaaliya waxay arintaasi horseedi kartaa musiibo, sidaasi daradeed waa in Golaha Amaanka uu si buuxda ugu soo rogo Soomaaliya cunno-qabteynta hubka si ammaanka dalka uusan faraha uga bixin,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Amensty International.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in intii u dhaxaysa 2012-kii illaa 2013-kii ay koradhay tirada dhimashada dadka rayidka ah marlka la barbar dhigo sannakii ka horreeyay ee 2011-kii.

Sidoo kale, hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in maka la eegto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dhimashada dadka shacabka ah ee bil kasta ka dhaca Somalia aysan habooneyn in xilligan cunno-qateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Bishii Maarso ee sannadkii 2013-kii  ayaa Golaha Amaanka ee QM uu fududeeyay cunno-qabateyta hubka ee muddada 21-ka sano ahayd saarnayd Somalia, arintaas oo looga gol lahaa in dowladda Somalia ay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Maalita berri ah oo ay bishan Maarso ku beegan tahay 06-da ayaa lagu wadaa inay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka fariistaan cunno-qabatyna hubka ee laga fudeedeeyay Soomaaliya, iyadoo dowladda Somalia ay dalbanayso in gabi ahaan cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Horraanti sannadii 2010-kii ayay hay’adda Amnesty International ku baaqday in la joojiyo hubka galaya Soomaaliya. Iyadoo dhawaanna guddiga la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ay baahiyeen in in hub ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay uu u gacan-galay Al-shabaab, taasoo dowladda Somalia ay beenisay.

“Dowladda Somalia ma awooddo inay fuliso ballan-qaadyadeeda, wuxuuna hubku gacanta u galaa kooxaha hubeysan ee Soomaaliya sida Al-shabaab,” ayuu Michelle Kagari ku sheegay warbixinta ay hay’addu soo saartay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay awood u leedahay inay hubkeeda ka ilaaliso inuu gacanta u galo kooxaha hubeysan ama lagu iibiyo suuqyada, laakiinse lama oga go’aanka ay Golaha Ammaanku ee QM ka qaadanayaan cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya