4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Dagaal Mar kale ka Qarxay Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Dagaal ayaa saakay aroortii hore ka qarxay magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo ay dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay.

Dagaalka ayaa ka billowday xerada ugu weyn ee militeriga dalkaas ay ku leeyihiin magaalada xarunt ah, waxaana xilliga uu dagaalku qarxayay ciidamada loo qaybinayay mushaaraadkooda.

Saldhiggan ayaa kii uu ka billowday dagaalka u dhexeeyay madaxweynaha dalkaas Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riak Machan, iyadoo dagaalkaas uu isku bedelay mid sokeeye oo dalkaas oo dhan ku baahay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dadka deegaanka ay billaabeen inay ka qaxaan guryahooda, iyagoo dadku ay sheegeen in qiim madow uu ka baxayo saldhigga ayna rasaastu ahayd mid xooggan oo laba dhinac ah.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaan illaa haatan ka hadlin dagaalka ka dhacay xerada ugu weyn ee militeriga dalkaas ay ku leeyihiin magaalada Jubba, iyadoo aan si dhab loo ogeyn dhinacyada uu dagaalkku u dhexeeyo.

Cutubyo ka tirsan ciidamada militeriga dalkaas ayaa daggan xeradaas, iyadoo aan la ogeyn in ciidamadu ay isku dhaceen iyo in kooxo hubeysan ay weerareen xerada, iyadoo wasiirka gaashaandhigga dalkaas uu sheegay in ciidamada milateriga ay u goosanayaan dhinaca mucaaradka.

Iska-horimaadkan ka qarxay magaalada xarunta ah ee Juba ayaa imaanaya xilli ay dhinacyada dalkaas horay ugu dagaalamay kala saxiixdeen heshiis hordhac ah oo ay ku qaboojinayaan xiisadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya