4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Dadweyne Bad-baadiyay Ganacsade la doonayay in dhac loo geysto

Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta isku dayay inay dhac ugu geystaan ganacsade Soomaaliyeed gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka masaajidka Abuu Hureyra, balse waxaa badbaadiyay dadweynihii halkaa ku sugnaa.

Goob-joogayaal ku sugnaa goobta uu falkan isku-dayga ah u ka dhacay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in markii hore ninkan ay soo wateen kooxaha oo ku hubeysnaa bistoolado kuna amreen inuu raaco gaari ay wateen balse uu diiday.

Kooxihii dableyda ahaa ayaa markaas kaddib waxay billaabeen inay qaybta hore ee bastooladda ku garaacaan ganacsadaha oo jiifa dhulka; wuxuuna dhowr jeer isku dasyay inuu ka cararo gaariga lagu amaray inuu fuulo kaasoo ahaa mid dableydu ay wadatay

“Ganacsadaha oo la garaacayo ayaan arkay, waxaan billaabay inaan markiiba ku tuuro dhagaxaan,” ayaa laga soo xigtay gabadhii ugu horreysay oo aragtay iyadoo ganacsadaha la garaacayo.

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta lagu haystay ganacsadaha ku yaacay dadweyne fara bada oo billaabay inay la dagaalamaan kooxihii burcadda ahaa, iyagoo si hal-haleel ah goobta uga baxsaday.

Tallaabadan lagu badbaadiyay ganacsadaha ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dadweyne ku badbaadiyaan ganacsade la damacsanaa in dhac loo geysto, iyadoo hadal-haynta arrintan durba laga dareemay Muqdisho oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya