Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Uganda ayaa lagu wadaa inay bishan dhammaadeeda ciidamo gaarayaa 410-askari u dirto Soomaaliya, kuwaasoo loogu talo-galay in ay sugaan amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howl-galaya gudaha dalka.
Ciidamadan ayaa lagu soo xuli doona kuwa difaaa Uganda ee Uganda People's Defence Forces(UPDF) , waxaana marka ay howl-galka bilaabaan ay istcimaali doonaan magaca United Nations Guard Unit (UNGU),iyaga oo shaqayn doona waqti cayiman oon ilaa iyo hadda la shaacin.
"Go'aankan waxaa lagu gaaray New York,waxaana howl-galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay yeelan doonaan ciidamo gaar ah ah oo amnigooda suga "ayuu yiri General Silver Kayemba oo la taliye u ah ciidamada Uganda.
Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee iminka ka shaqeeya qaybo kamid ah Somalia, waxana amnigooda wax ka suga ciidamada AMISOM, waana markii ugu horeysay oo qorshe caynkan oo kale laga sameeyo Koonfurtadalka.
"In badan kama duwanaan doonno shaqada aan ka hayno Soomaaliya, waayo waxaa loo baahanyahay in xil gaar ah la iska saaro sugidda amnigooda," ayuu hadalkiisa ku daray Kayemba oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Ciidamad Uganda ayaa waqti xaadirkan kaalin muhiim ah ka ciyaara howlgallada AMISOM oo iminka la ballaariyay ,waxaana jira tiro ciidamadooda ka tirsan oo ku geeriyooday howl-gallo ay ka fuliyeen meelo ay kamid tahay caasimadda Muqdisho.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]