4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
IGAD oo soo Dhaweysay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ee dalalka Bariga Afrika ayaa soo dhaweeyay mowqifkii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay shirarka iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey ayaa lagu sheegay in IGAD ay si diirran u soo dhaweynayso war-saxaafadeedkii ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay xaaladda Baydhabo iyo shirarka ka socda.

IGAD ayaa sheegtay in sameynta maamullada gobollada dalka ay tahay mid sharci ahaan u leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, lagu tixgeliyo iyadoo la raacayo dastuurka dalka u yaalla.

Sidoo kale, IGAD waxay sheegtay in ururkoodu uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya howlaha ay waddo  sida dhismaha maamul goboleedyada iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in IGAD ay taageersan tahay heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG Jubba oo ka taliya gobolllada Jubbooyinka iyo Gedo.

“IGAD waxay ku talinaysaa in sameynta maamullada gobollada dalka loo raaco hab dastuuri ah. Waxaan sidoo kale ku baaqaynaa in la xushmeeyo heshiiskii sannadkii hore lagu gaaray Addis Ababa ee ku saabsanaa hoggaaminta maamul goboleedyada dalka inay leedahay dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ergayga IGAD ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire Afeey, wuxuu sheegay in dhammaan Soomaalida ay ka qaybqaataan sidii ay deegaannadooda uga difaaci lahaayeen kooxaha argagaxisada ah, balse si toos ah carrabka uguma dhufan magaca argagaxisada uu sheegay.

Go’aanka IGAD ayaa wuxuu imaanayaa xilli mid ka mid ah shirarka Baydhabo ka socda loogu doortay madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed, iyadoo dowladdu ay ku gacan-sayrtay doorashadaas, kuna tilmaantay mid aan dastuurka dalka hareer marsan oo aan la aqbali Karin.

AMISOM ayaa iyaduna shalay soo saartay mowqifkeeda ku aaddan shirarka Baydhabo ka socda iyadoo si toos ah u taageertay mowqifkii dowladda, waxayna shacabka ku nool Baydhabo uga digeen qalalaase ka dhasha murannada dhinaca siyaasdda ah ee ka taagan magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya