4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Muun-gaab: waxaan kalsooni dhex-dhigayaa shacabka iyo Ciidamada

Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo shalay si rasmi ula waregay xilka mamulkaasi ayaa sheegay inay u qorsheysan tahay sidii uu kalsooni uga dhex-abuuri lahaa ciidamada iyo shacabka Muqdisho.

Muun-gaab ayaa xusay in kalsooni laga dhex-abuuro ciidamada iyo shacabka ay ay tahay mid lagama maarmaan ah ayna fure u noqon doonto ammaanka Muqdisho oo ka wanaagsanaada sida uu hadda yahay.

“Kalsooni aan dhex-dhigno ciidamada iyo shacabka waxay sababi kartaa inaan ka guuleysanno kuwa dhibaatada kawada caasimadda Soomaaliya, howlaheenna ugu horreeya waa inaan sugno amniga, tanina muhiimad ayay u tahay howshaas,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Jen. Muun-gaab ayaa horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu xusuusto inuu xukunno dil ah ku riday qaar ka mid ah ciidamada dowladda oo dhibaatooyin u geystay shacabka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu shaaca ka qaaday inuu wax-ka-qaban doono garsoor-xumada ka jirta Muqdisho, isagoona xusay in si taasi looga hor-tago ay abuuri doonaan guddi madax-bannaan oo arrimaha cadaladda ka shaqeeya.

Guddoomiyaha cusub ayaa awood loo siiyay inay hoostagaan ciidanka booliiska iyo kuwa nabadsugidda gobolkan Banandir, kuwaasoo wixii maanta ka dambeeya amar ka qaadan doona Jen. Muun-gaab, isagoo sheegay inuu fursaddan ka faa’iideysan doono uuna magaalada Muqdisho ka dhigi doono meel amnigeeda la isku halleyn karo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacyay falalka isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo mas’uuliyadooda ay inta badan sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya