4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Xaflad lagu Taageerayay Maamulka Puntland oo ka dhacday Virginia


Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay laguna soo dhaweynayo maamulka cusub ee Puntaland ayaa lagu qabtay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Munaasabadan ayaa la qabtay bishan 02 Febraayo, 2014, iyadoo ay ka qaybgashay Dr. Hodan Siciid oo ah marwada koowaad ee madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed cali Gaas .

Xafladda soo dhaweynta ah ayaa waxaa hadallo ka jeediyay Dr. Hodan Siciid iyo macallimiintii madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas, kuwaasoo kala ah Prof. Miiso, Prof. Faduma Baraxow.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxaa xafladda khudbad soo jiidatay intii ka qayb-gashay ka jeediyay Dr.Cabdisalaam Cameey, waxaana xafladda daadihinayay Sheekh Saahid, iyadoo intii ay xafladdu socotay laga sheekeeyay maamulka cusub ee Puntland.

Xafladda waxaa kasoo qayb-galay Soomaalida gobolkaas ku nool oo aad u badan; waxaana ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihin soona dhaweynayaan xubnaha cusub ee loo doortay Puntland bishii Jannaayo ee sannadkan.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Cameey ayaa lagu doortay doorashadii madaxnimo ee Puntland ka dhacday 08, Jannaayo 2014-ka.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya