4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Kooxo hubeysan oo Hooyo iyo Carruur ay dhashay ku dilay G/Mudug

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay hooyo iyo carruur ay dhashay ku dilay miyiga deegaanka Godod oo ka tirsan gobolka Mudug, iyadoo aan weli la garan kooxaha dilkan geystay.

Qoyska la laayay ayaa waxay ahaayeen hooyo iyo laba cunug oo ay dhashay oo la sheegay in da’doodu ay ka hoosaysay siddeed sano, iyadoo saddexdan ruuxba laga toogtay madaxa iyo wadnaha, sida uu sheegay taliyaha booliiska deegaanka uu ka dhacay dilka oo hoos-taga Puntland.

“Xalay 10:00 fiidnimo ayuu falkan naxdinta leh dhacay, waxaa toogasho lagu dilay hooyo iyo caruur ay dhashay, xilliga uu dilku dhacayay ma joogin gurigaas dadkii waaweynaa,” ayuu yiri Xasan Kaafi Muuse oo ka tirsan booliiska gobolka Mudug.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in falku ka dhacay miyiga deegaanka oo dhanka bari kaga beegan xarunta gobolka Mudug, ragga wax dilayna ay gubeen baabuur guri ku yaalla deegaanka uu dilku ka dhacay.

Arrintan ayaa loo badinayaa inay salka ku hayso aano qabiil oo hore u jirtay, laakiin Xasan Kaafi ayaa ku eedeyay dilkan dabley kasoo jeedda deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa falka xalay dhacay canbaareeyay, iyadoo guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, Aways Cali Siciid wuxuu dilka caruurta iyo hooyadood ku tilmaamay mid laga naxo; isagoo tacsi u diray ehelladii dadka geeryooday.

Ugu dambayn, taliyaha ayaa ku baaqay in dadka biri-mageydada ah aan la beegsan iyadoo falalka noocaan oo kale ah ay dhowr jeer oo hore ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo ay ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Dilkan loo geystay hooyada iyo carruurteeda ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiinta labada maamul ay ku dhawaaqeen inay iska kaashanayaan sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya