4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Al-shabaab oo Maanta Saddex Ruux ku Toogatay Degmada Baraawe

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa maanta ku degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ku toogatay, saddex ruux oo ay ku eedeysay inay basaasiin u ahaayeen dalka Faransiiska, maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo klae ay sheegtay inay saddexdan ruux ku lug lahaayeen duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamad ay Al-shabaab leedahay ayaa sheegtay inay saddexda ruux ee la dilay lagu helay inay fududeeyeen weeraro ka dhacay gobollada Jubbada dhexe iyo Shabeellada Hoose oo lagu dilay xubno muhiim u ahaa kooxda.

Ruuxa koowaad ayaa la sheegay inay ku caddaatay inuu sirdoonka Faransiiska u fududeeyay howlgalkii fashilmay ee degmada Buul-mareer ka dhacay Jannaayo 2013-dii, isla markaana uu agaasimay duqeyn sannaddii lasoo dhaafay ka dhacday meel ku dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Midka labaad ayaa la sheegay in lagu helay inuu qaab jaajuusnimo ah uu kula shaqeynayay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ee Puntland, ayna ehelo dhow ahaayeen, iyadoo la sheegay in sirdoonka Puntland uu kala shaqeeyay shirqoollo ka dhan ah xoogagga Al-shabaab ee ku jira buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

Iyadoo ruuxa saddexaadna la sheegay inuu ka tirsanaa sirdoonka dowladda dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo dilka saddexdan qof uu ka dhacay barxad weyn oo degmada Baraawe ku taalla, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan.

Magacyada saddexdan ruux ee la toogtay ayaa lagu kala sheegay; Maxamed Geelle C/lle oo 29-jir, Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole oo uu adeer u ahaa madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/raxmaan C/ladiif Axmed oo 23-jir ahaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay disho dad ay ku eedeysay inay ka tirsan yihiin basaasiinta dowladda Soomaaliya, maamullada dalka ka jira iyo sidoo kale dalalka reer galbeedka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya