4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
TARSAN: Waxaa jira gaadiid naloogu deeqay oo aanan ogeyn meel...


Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Gudoomiyihii hore gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in gaadiid loogu talo-galay maamulka gobolka Banaadir la musuq-maasuqay, kaddib hadal dheer oo uu ka jeediyay xaflad uu xilka ku wareejinayay oo maanta lagu qabtay Muqdisho.

Mudane Tarsan ayaa si dadban ugu eedeeyay wasaaraddii hore ee arrimaha gudaha oo uu wasiir ka ahaa, C/kariin Xuseen Guuleed oo haatan ah wasiirka ammaanka ee xukuumadda C/weli Sheekh in gaadiidkaas ay kala wareegay, isagoo nasiib-daro ku tilmaamay inaysan ogeyn halka ay gaadiidkaasi ku dambeeyaan.

"Nasiib-darrada jirta waxa weeye hay'ad dowli ah ayaa nagu tabarucday lix gaari oo Ambalaasyo ah, waxaana nagala wareegtay wasaaraddii hore ee arrimaha gudaha xukuumaddii Saacid, meel ay ku dambeeyaanna ma ogin"ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay in gaadiidkaas ay ahaayeen nooca aysan xabaddu karin, uuna maamulkiisa ugu talogalay in labadii degmaba ay hal xabo siiyaan si ay marka ay timaaddo xaalad deg-deg loo adeegsado, maadaama ay leedahay qalabka gargaar deg-degga ah iyo oksijiin.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa mar uu ka hadlayay waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay wuxuu sheegay inuu xarunta maamulka ugu yimid hal xaaqin, isla markaana lagu wareejiyay kaliya warqad ay ku qoran tahay deymo dhan 10 milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

“Waxaa ku tallaabsanay wax-qabad muuqda, markaan xilka la wareegayay shan degmo ayaa gacanta dowladda ku jiray, waxaan sameynay inaan nadaafaddii iyo qashinkii magaalada ka qaadno, in shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar la howl-geliyo, magaaladii mugdiga ahaydna aan iftiin ka u bedelno, waxaana dayactirnay xarumaha degmooyinka," ayuu Tarsan mar kale yiri.

Dhanka kale, mar uu soo hadal qaaday awoodaha la siiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee ah in la hoos keenay talisyada nabadsugidda iyo kan booliiska gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay inuu ka faa'ideysto fursaddaan oo uusan isagu horay u helin.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Tarsan ayaa gaba-gabadii hadalkiisa ugu mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya fursadda iyo kalsoonida uu siiyay intii uu xilka hayay, wuxuuna u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub Muun-gaab oo uu ku wareejiyay xilka maamulka gobolka Banaadir iyo kan duqa Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya