4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Kulan looga hadlayay Burcadbadeednimada oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay burcadbadeedda, kaasoo lagu soo bandhigay filim ka hadlaya sababaha keenay hoos u dhaca ku yimid falalkii burcadeednimada Somalia labadii sano ee ugu dambeysay.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay wasaaradda warfaafinta iyo xarunta macluumadka iyo ka-hortagga burcadbadeednida ee (SAPIC) SOMALIA ANTI-PIRACY INFORMATION CENTER, waxaana ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka socday labada gole ee dowaldda oo xildhibaanno iyo wasiirro isugu jiray.

Markii la daawaday filimka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay sameyso xarunta SAPIC, waxaana halkaas warbxin kasoo jeediyay, Prof, Muxyadiin Yuusuf oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha burcadbadeedda, la-taliyena u ah taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay sababihii keenay inay abuurmaan kooxaha burcabadeedda Soomaaliya, raadkii ay reebeen sababaha keenay inay hoos u dhacaan iyo waxyaabaha caqabadad ku ah in la cirib-tiro.

Prof. Muxyadiin wuxuu sheegay in markii la waayay hannaankii dowladnimo ay si fudud u sameysmeen kooxaha burcadbadeedda ah; isagoo intaa ku daray in looga adkaan karo haddii si dhab loo dhiso ciidamada badda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mar uu ka warramayay saameyntii ay reebeen ayuu sheegey in dhibaatooyin aan la soo koobi karin ay u keeneen bulshada Soomaaliyeed, waxaana intaas ku daray in dhallinyaro kun ka badan oo burcadbadeed ah ay ku xiran yihiin 22 dal oo dunida ku firirsan, kuwaasoo uu sheegay inay u baahan yihiin in dib loogu soo celiyo dalka.

Xubnihii kale ee ka hadlay kulanka taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya, Admiral  Madeey  Nuureey Sheekh (Ufuroow) oo si aad u faahfaahiyay awooddii ciidamadii Badda Soomaaliya ay ahaayeen, wuxuuna sheegay inay lahaayeen shan saldhig iyo shan xarumood oo uu sheegay in laga ilaalin jiray maraakiibta soo gasha badaha Soomaaliya.

Admiraalka ayaa intaas ku daray in falaka burcadbadeednimada looga hortegi karo iyadoo dib loo dhiso ciidamada Badda Soomaaliya; isagoo xusay in lagu dhisi karo  dhaqaale aad u yar oo looga maarmi karo malaayiinta doollar ee faraha badan ee haatan uu caalamku ku bixiyo la dagaalanka burcadbadeedda.

Cabdi Ashkir Dhoore oo ah coghaya rugta ganacsiga Soomaaliyeed ooo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sharaxaad ka bixiyay saameynta burcad-badeednimada ku yeelatay ganacsiga Soomaaliya; wuxuuna xusay in dhibaabto xooggan ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed marka la eego macaamilka ganacsatada Soomaalida iyo beesha caalamka, sida maraakiibta ganacsiga ee soo aadaya Soomaaliya oo uu sheegay inay Somalia ku imaanayeen qarash aad u badan taasoo si dadban dadka Soomaaliyeed ee dan-yarta ah ay kala kulmaan sicir-barar aad u baahsan.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay madaxweyne ku xigeenkii maamulka Ximan iyo Xeeb, C/raxmaan Shaati-cadde  oo wax badan ka ogaa burcad-badeednimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in caalamka uusan rabin in meesha ay ka baxaan kooxaha burcad-badeedda ah, isagoo tusaale u soo qaatay laba qof oo haatan ku xiran Belgaum, kuwaasoo midkood uu yahay raggii aas-aasay burcadbadeedda; balse markii dambe uu ka baxay isla mrkaana gacan ka geystay inuu si iskiis ah u furdaamiyo ama u sii daayo rag badmaaxiin ah oo u dhashay dalka Suuriya.

Isagoo sii hadlaya madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb ayuu sheegay inta aan la qaban ruuxaas ka tanaasulay burcad-badeednimada inuu ku howlanaa sii-deynta nin Mareykan ah oo gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda ah; waxaa kaloo uu sheegay in uu door lama Illaawaan ah ka qaatay dagaalka lagula jiro burcad-badeedda, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay inuu maanta gacanta ugu jiro dowladda Belgaum; iyadoo aan la garanayn wuxuu ku eedeysan yahay; laakiin loo maleynayo inuu u xiran yahay mid ka mid ah dadaalladiisii.

Dahabo Ciise oo ku hadlayey magaca haweenka Soomaaliyeed ayaa iyana halkaa ku faahfaahisay dhibaatada ay haweenka Soomaaliyeed kala kulmeen kooxaha burcad-badeedda ah; iyadoo sheegtay in burcad-badeedka looga hortagi karo iyadoo waaliddiinta Soomaaliyeed ay caruurtooda ka waaniyaan falalka gurracan ee ay ku hayaan dadka Somaaliyeed iyo caalamka.

Bishaaro Axmed Kadiye oo iyaduna ku hadlaysay magaca dhallinyarada maamulka  Ximan iyo Xeeba ayaa hoosta ka xariiqday in bulshada Soomaaliyeed ay calaamka ka tashadaan; iyadoo baaq u soo jeedisay ganacsatada Soomaaliyeed oo ay xustay inay qayb weyn ka qaataan dhismaha ciidanka Badda Soomaaliya si falalkan loo cirib-tiro.

Xubnihii ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya,  Maxamuud Xasan Suleymaan oo sheegay in intii uu ahaa wasiirka ay dadaal fara badan u galeen sidii loo dhammeyn lahaa falalka burcad-badeednimada; isagoo sheegay in dowladda fedraalka ay mar waliba ka go’nayd sidii kooxaha burcadda badaha looga hortegi lahaa maadaama ay saameyn ku yeesheen Soomaalida iyo caalamka intiisa kale.

Ugu dambeyntii waxaa kulankaas soo xiray wasiirka warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo u mahadceliyay xarunta SAPIC oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka qaadatay hoos u dhac ku yimid falalka burcad-badeednimada, isagoo ku boorriyay inay halkaas ka sii wadaan howshooda.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka hadlay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee burcadbadeedda ayuu sheegay inay ka go’an tahay in dhammeystirka sharciga kooxaha burcad-badeednimada, waxaa kaloo uu sheegey in midda ugu muhiimsan ee looga hortagi karo burcadbadeedda ay tahay in marka hore la helo sharciga ku aaddan la dagaalkan kooxaha burcad-badeedda, kaasoo u baahan in baarlamaanka loo gudbiyo baarlamaanka; iyadoo wasiirku uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen  qaar ka mid ah ka qayb galayaashii kulanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya