4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Ra'iisul Wasaaraha iyo ganacsatada Imaaraadka oo kulan yeeshay

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa xalay la kulmay madaxda ugu sarreysa ganacsatada Soomaaliyeed ee Imaaraadka Carabta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada gaashaandhigga iyo isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen safiirka Somalia u fadhiya Imaaraadka Carabta iyo qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga Dubai, waxaana uu ujeedka kulanku ahaa sidii ra'iisul wasaaruhu u dhageysan lahaa talada iyo aragtida ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay kulanka guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka, Shariif Axmed isagoo ku hadlaya magaca ganacsatada ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo casuumaadda cashada ah ee ra'iisul wasaaruhu kala qaybgalay, wuxuuna xusay in ganacsatada Imaaraadku ay yihiin ganacsato mar walba taageera dowladda isla markaana ka qayb-qaata wixii taakulo ah oo dalka loo fidinayo.

Ra'iisul wasaaraha oo hadlay ayaa warbixin dheer ka siiyay ganacsatada xaaladaha dalku ku sugan yahay, wuxuuna ku dhiiri-geliyay inay ka qayb-qaataan dib u dhiska iyo xasilinta dalka, si ay u suuro-gasho inay maal-gashi ballaaran ku sameystaan dalka, isagoo dhanka kalena xusay in ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay yihiin rajada dalka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


"Waxaa la idinka doonayaa inaad doorkiina ka qaadataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, guushuna waa soo dhowdahay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay dhiiri-geliso una fududeyso ganacsatada sidii ay dalka u maal-gashan lahaayeen.

Kulanka oo aad u dheeraa ayaa waxay ganacsatadu su'aalo toos ah ku weydiiyeen ra'iisul wasaaraha iyo wasiirrada kale ee la socday, waxayna aad u soo dhaweeyeen in kulammada noocan oo kale ah ay abuurayaan kalsooni badan oo lagu qabi karo dowladda iyo hoggaankeeda.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa soo gudbiyay cabashooyin ku aaddan helidda fiisaayaasha Imaaraadka Carabta iyo deganaanshaha oo ay sheegeen inay aad ugu adag tahay, taasoo wal-wal badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraadka, maadaama ay waayeen xaquuqda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo ku noolaanshaha dalkaas ah.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha xukuumadda ayaa u ballan-qaaday ganacsatada inuu u gudbin doono cabashooda madaxda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana ugu dambeyntii la dhisay guddi ka kooban dowladda iyo ganacsatada si loo sii ambaqaado wada-shaqeynta labada dhinac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya