4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo dhawaan xilka loo magacaabay ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kaddib xaflad xilal wareejin ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha labada gole oo uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, La taliyaha madaxweynaha ahna afhayeenka madaxtooyda Soomaliya, odayaasha dhaqanka, qaybaha bulshada rayidka, imaamyo iyo ugaasyo, haween, dhallinyaro, culummo iyo wax-garad kala duwan.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarswan) oo ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqii Muqdisho ayaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cuusb Xasan Muun-gaab iyadoo khudbado kala duwan laga jeediyay shirka.

Qaybaha bulshada oo hadallo ka jeediyay munaasadda ayaa ku ammaanay maamulkii hore howshada adag ee Muqdisho ay ka qabteen, waxayna u rajeeyeen maamulka cusub inay howsha halkaas kasii wadaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa khudbad dheer jeediyay, isagoona ku dheeraaday wax-qabadka maamulkiisa iyo kan dagmooyinka Muqdisho  iyo sidii xaaladdu ay ahayd markii ay xilka la wareegayeen bartamihii sannadkii 2010-ka.

Isagoo sharraxay wada-shaqeyntii maamulada dagmooyinka iyo dhammaan shaqaalaha gobolka Banaadir, wuxuuna kula dar-daarmay dhammaan inay si wanaagsan ula sii shaqeeyaan maamulka cusub ee Muun-gaab.

Jawiga xafladda oo ahaa mid qaban-qaabo weyn loo galay isla maraana ay ka muuqdeen farxad badan, waxaana khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab.

“Waxaan xoojinaynaa dariseynta Xamar, waxaana hagaajin doonnaa shaqo-gelinna doonnaa ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugidda gobolka, kuwaasoo howlo mar walba joogto ah oo ammaanka lagu sugayo fulin doona, laakiin howllgalladu waxay  noqon doonaan kuwo bartilmaameed leh,” ayuu yiri Muun-gaan.



Sidoo kale, duqa Muqdisho ee cusub wuxuu ammaanay howlihii uu maamulkii isaga ka horreeyay ka qaybtay Muqdisho, isagoo sheegay in howl cusub aanay maanta la wareegin, ayna halkeeda kasii wadi doonaan.

Muun-gaab ayaa sidoo kale ballan-qaaday in wax weyn ay ka bedelayaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, iyagoo kaashanaya hay’adaha amniga gobolka iyo qaybaha bulshada Muqdisho.

“Waxyaabaha aan xoogga saari doonno amniga kaddib waxaa ka mid noqonaya in nadaafadda magaalada aan ka dhigno mid wanaagsan, si loo kordhiyo adeegyada bulshada iyo soo celinta bilicda Muqdisho,” ayuu mar kale yiri Muun-gaab.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee gobolka wuxuu sheegay inaysan dhici doonin in la kala haysto dadweyanha, wuxuuna ballan-qaaday in maamulkiisu gacan bir ah ku qaban doono kuwa haysta guryaha aanay lahayn ku yaalla Muqdisho.



Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre oo isaguna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahad-celiyay Tarsan sidii qiimaha badnayd ee uu u soo hoggaamiyay maamulka gobolka Banaadir, isagoona guul u rajeeyay maamulka cusub ee Muun-gaab.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee shacabka Muqdiso inay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee xilka gobolka Banaadir la wareegay maanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya