4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Axmed Madoobe oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Kulan saacado qaatay ayaa maanta dhex-maray hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo waliba wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros Adhanom, kaasoo diiradda lagu saaray arimo dhowr ah oo ku aadan xasiloonida gobolka.

War hor dhac ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay waxyaabaha ka hir galay heshiiskii bilo ka hor dhex-maray dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo waliba maamulka Jubba.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa la sheegay in u jeedka uu u yimid Addis Ababa ay tahay sidii loogu qancin lahaa in isaga iyo maamulkiisa ay wareejiyaan dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Ksimaayo sida markii horeba lagu heshiiyay.



Wasaaradda arimaha Itoobiya si rasmi ah uma cadayn in Sheekh Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ay aqbaleen dhamaystirka heshiiskii labada dhinac dhex maray bilo ka hor ,iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa maamulkaas iyo waliba  dowladda Soomaaliya.

 Maamulka jubba ayaa horey u tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay ka soo bixi weyday qodobo horey loogu heshiiyay, isla markaana loo baahanyahay in heshiiskaas loo hirgaliyo  sida uu u kala horeeyo.

Sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow madaxweynaha waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in shirar kale ay wada qaataan madax ka tirsan Midowga Afrika iyo diblumaasiyiin kale si loo dhameeyo khilaafkan dib u soo cusboonaaday.

Ugu danbayntii lama oga halka lagu dhamayn doono murankan labada dhinac ku dhex jira ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in la sii wadi doono dadaallada lagu xalinayo arintan ee ku aadan hirgalinta heshiisyadii la wada galay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]