4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo la Kulmay R/Wasaare ku Xigeenka UAE

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna wasiirka madaxtooyada, Sheekh Mansuur bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan iyagoo kawada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax-wada-qabsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Mudane C/weli Shiikh iyo Sheekh Mansuur ayaa kulankooda uga soo qaaday arrimo muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya xasilloonida Soomaaliya, waxaana ka mid ah dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo gacan-siinta adeegyada bulshada. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah waxaa ka mid ahaa arimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani wuxuu is-garab taagay Soomaaliya xilligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xooggani ka jirtay Soomaaliya. Waxayna naga taageeri doonaan xasilloonida iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaaday inay diyaar u yihiin taageeridda Soomaaliya oo xilligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay is-garab-taagga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu talo-galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay waddadii dib-u-dhiska,” ayuu yiri Sheekh Mansuur ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu horay u sheegay inay Imaaraadku Soomaaliya ka taagi doonaan dhinaca amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya