4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Hay’adaha Amniga oo sheegay inay adkeynayaan Amniga Muqdisho
Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Talisyada booliiska iyo nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan ammaan-xumada Muqdisho kusoo korortay, iyagoo shacbka ka dalbaday inay gacan ku siiyaan sugidda amniga.

Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo ah taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir la dhigay askar badan oo ka tirsan booliiska si ay ammaanka u adkeeyaan.

“Waxaan saacadihii lasoo dhaafay ciidammo geynay degmooyinka gobolka Banaadir iyo koontaroollada iyadoo ciidamada la amray in si casireysan ay u baaraan dadka iyo gaadiidka laga shakiyo,” ayuu yiri Jen. Saacid.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu xoojinayo ammaanka, isagoo xusay inay ciidamada gacan ka helayaan ururrada bulshada ee kala duwan, sida haweenka iyo dhallinyarada.

“Xafiis weyn oo laga hoggaaminayo howlgallada lagu sugayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Muqdisho ayaan sameynay, halkaasoo ay shacabku lasoo xiriiri karaan haddii ay arkaan dhibaatooyin,” ayuu mar kale yiri Jen. Saacid.

Dhanka kale, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada nabadsugiddu ay u howlgalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.

“Falalka Al-shabaab ee kusoo kordhay Muqdisho ma ahan mid awood ahaan ay dib ugu soo laabteen, balse waa qaybtii ugu dambeysay awooddooda oo waxay la mid yihiin sidii neef rafanaya,” ayuu yiri Jen. Bashiir Goobbe.

Isagoo sii hadlaya ayuu jeneraalku sheegay in ciidamada nabadsugidda oo gacan ka helaya shacabka Soomaaliyeed ay u diyaar-garoobeen sidii fallaka Al-shabaab ay ka geysato Muqdisho loo joojin lahaa.

“Howlgallo ayaa billowday, waxaana ballan-qaadanaynaa inaan ka hortagayno wixii dhibaato ah ee ay Al-shabaab doonayso inay ka geysato Muqdisho, waxaana Alle ka baryaynaa inuu ka badbaadiyo dhibaatadooda shacabka Soomaaliyeed ee waxgalka ah,” ayuu taliyaha nabadsugiddu mar kale yiri.

Ugu dambeyn, taliyaha nabadsugidda ayaa shacabka ka dalbaday inay u ciidamada nabadsugidda u soo gudbiyaan xogaha ay helaan ee ku saabsan Al-shabaab, uuna qof walba oo warbixin ka keena muteysan doono abaalmarin, iyadoo magaciisa iyo halka uu daggan yahay la qarin doono.

Hadalka kasoo baxay ha’yadaha ammaanka dowladda Somalia ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka dhacayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya