4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Dowlada oo diiday doorashadii Nuunow kana digtay rabshado dhaca

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Dowladda federaalka Somalia ayaa gaashaanka ku dhufatay doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee shalay lagu doortay Baydhabo, iyadoo qaabka ay doorashadu u dhacday lagu sheegay mid aan dastuurka dalka waafaqsanayn.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in doorashadan ay ahayd mid aan khalad ah, isla markaana ay caqabad ku noqon karto heshiiskii ay wada-galeen dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

“Doorashadu waxay u dhacday si aan sharciga waafaqsanayn, waxaana mas’uul ka ah wixii ka dhibaato ah ee dhasha dadkii abaabulay in doorashada la qabto, iyagoo ku mudan doona ciqaab, waayo dalku sharciyo ayuu leeyahay,” ayuu yiri Goodax Barre.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in dowaldda Soomaaliya aqoonsanayn maamulkii shalay looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo uga digay odayaasha in maamul sameyntan ay abuurto qalalaase.

Mar la weydiiyay wasiirka in ergooyinka maamulka sameystay ay ku andacoodeen in gobollada lixda ah ee maamulkani uu kulminayo ay ku nool yihiin dad deegaan wadaag ah oo haddana isku dhaqan ah, ayaa wuxuu ku jawaabay.

“Soomaaliya way kasoo gudubtay xilligii qabiileysiga, lamana ogolaan in sameynta maamullada gobollada dalka ay noqdaan kuwo loo maro hab beeleesi ah ama lagu saleeyo, taasna mid la doonayo in laga gudbo.”

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay lagu doortay shirka maamul u sameynta gobollada lixda ah ee tan iyo sannadkii hore ka socday magaalada Baydhabo lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo noqonaya madaxweynaha maamul-goboleedkaas.

Dhanka kale, mas’uuliyiin u hadlay maamulka Koonfur-galbeed ee shalay doortay madaxweynahooda ayaa sheegay inaysan howlahooda u hakan doonin inaysan ka helin aqoonsi dowladda Soomaaliya, balse ay sii socon doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya