4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
Kulan fikir-is-weydaarsi oo dhex maray Soomaalida Minneosta iyo Ontario


Agaasimaha hay'adda Somali Action Alliance Shaafi Hashi, Toronto, Canada - Sawirka HOL


Talaado, March 04, 2014 (HOL) - Kulan ay si wadajir ah u soo wada qabanqaabiyeen hay'adaha kala ah Somali Action Alliance (SAA), Dar Al-Hijrah Islamic Civic Center ee magaalada Minneopolis iyo Mideynta, Toronto ayaa waxay kulamo kula yeesheen jaaliyadah Soomaaliyeed ee magaalooyin Toronto iyo Ottawa.

Ujeedada kulankaan ayaa wuxuu ahaa in leeys-weydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimda ku aadan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyin Amerika oo ay soo foodsaareen dhibaatooyin la xareera xag-jirnimada iyo waxbarashada.


Immaamka Dar Al-Hijrah Islamic Civic Center Sh. Cabdiraxmaan Shariif, Toronto, Canada - Sawirka HOL


Waxaa halkaas warbixino muhiim ah la wadaagay dadkii ka soo qayb-galay kulankaas agaasimaha hay'adda Somali Action Alliance (SAA) Shaafi Haashi, Immaamka Dar Al-Hijrah Islamic Civic Center Sh. Cabdiraxmaan Shariif iyo Garaad Sahal oo ah akarigii ugu horeeyey ee ku biira Booliska magaalada St.Paul ee gobolka MN. Madaxdaan ka socotay gobolka Minnesota ayaa si faahfaahsan uga warbixiyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnestoa gaar ahaan dhanka ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay video ka warbixinaya dhibaatada waalidiinta ka soo gaartay dhallinyarada sida qaldan loo marin-habaabiyey iyo sidii ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota uga soo kabteen. Dadkii kulankaas ka soo qaygalay ayeey si weyn u taabatay dhibaatada ay soo mareen waalidiinta ay caruurtooda ay ku dhinteen dagaalada ku socda Soomaaliya.

Waxaa si weyn looga dooday sidii dhallinyarada looga digi lahaa xag-jirnimada (Extremism) iyo wax kasta oo keeni kara in ay baabi'iyaan mustaqbalka noloshooda. Waalidiintii halkaas isug yimid ayaa qaarkood waxay la wadaageen waalidiintii kale dhibaatooyinka soo maray iyo sidii ay uga soo gudbeen.


Sheekh Saciid, Ottawa, Canada - Sawirka HOL


Sheekh Saciid oo ka mid ah waxgaradka magaalada Ottawa ayaa waxaa sheegay in Immaamyada masaajidda waqooyinga Ameerika ay aragti medysan ka qaataan xag-jirnimada taas oo sahli karta in jaaliyadha oo dhan ay meel uga soo wadajeestaan xajirnimada.

Agaasimaha hay'adda Midaynta ee magaalada Toronto Mahad Yusuf ayaa u mahadceliyey wafdiga reer Minnesota, wuxuuna sheegay in jaaliyadaha reer Canada ay waayaragnimo ka qaadan karaan horumarka ay ku tallaabsadeen Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Intii  kulamadaas ay ka socdeen magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ayaa waxaa ka dhex muuqday madax ka socotay dowladaha Canada iyo Mareykanka.

Waxaa kulankaan si habsami ah u daadihineysan Fowsiya Duale oo ka hawl-gasha hay'adda Mideynta. Intii ay warbixinada socdeen  ayeey Fowsiya dhex-gelineysay gabayo ay ku qorta afka-ingriiska oo ka hadlayey dhibaatada haysata dhallinyarada Soomaaliyeed.