4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Isbitaal Casri ah oo Dowladda Turkiga ay ka Hir-gelisay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Isbiltaalka DEVA oo ah oo xarun caafimaad oo casri ah oo magaalada Mqudisho ay ka hirgelisay dowladda Turkiga, iyagoo lagu soo bandhigay shalay adeegyada caafimaad ee bulshada ay u qabanayaan.

Xarunta caafimaad ee DEVA ayaa ku taalla dugsigii sare Banaadir ee degmada Hodan ayaa waxaa xilligan ka socda dhismo lagu ballaarinayo isbitaalka oo ah kii labaad oo ay dowladda Turkigu ka hirgeliso Muqdisho.

Marka laga soo tago howlaha dhismaha ee ka socda isbitaalka ayaa waxaa dhinaca kale si caadi ah u socda howlaha isbitaalkan, iyadoo shacab fara badan oo Somali ah ay ku sugnaayeen si adeegyo caafimaad loogu qabto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Isbitaalkan casriga ah oo qaybo badan ka kooban ayaa waxaa gudihiisa ku sugnaa shacab badan oo doonayay in la daweeyo, iyadoo isbitaalkan ay ka howl-galaan dhakhaatiir Turki ah.

Sidoo kale, dhakhaatiirka ka howlgalaysa isbitaalkan ayaa waxaa ku jira Soomaali, iyadoo sidoo kale ay joogeen kalkaaliyeyaal caafimaad oo iyaguna Soomaali ah si ay u caawiyaan dhakhaatiirta Turkiga iyo Soomaalid ah ee ka howlgala isbitaalka.

Qaybaha uu isbitaalka ka kooban yahay ayaa waxaa ka mid ah: qaybta carruurta lagu daweeyo, qeybta bukaannada iyo sidoo kale qeybta saalooyinka qalliinka oo laba ahaa.

Maamulka isbitaalka DEVA ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in xarunta ay kusoo kordhiyeen qalab casri ah oo aan horay dalka looga heli jirin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya