4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Wararkii ugu dambeeyay kulammadii ka dhacay degmada Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa habeenkii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay, iyagoo maanta kulammo kala duwan la yeeshay ergooyin ka kala socday maamulladii looga dhawaaqay Baydhabo.

Kulamadan oo ka dhacay xerada 60-aad ee ciidamada xoogga dalka oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xirnaayeen, iyadoo ergooyinkii kulamada la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ay sheegeen isku waafaqeen waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

Xubno u hadlay maamulka lixda gobol ee la kulmay madaxda dowladda ayaa sheegay inay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya u sheegeen in la raacayo halka ay shacabku taageersan yihiin.

Sidoo kale, xubnahan ayaa sheegay in markii hore khalad laga fahamsiiyay sida ay wax u doonayso dowladda Soomaaliya, balse ay kulankan ku ogaadeen in dowladdu ay doonayso inay taageerto halka loo badan yahay.

Ergooyinkii ka socday dhinaca maamulka saddexda gobol ayaa iyaguna u sheegay war-baahinta markii uu kulanku soo dhammaaday in madaxweynaha ay u sheegeen inay raalli ka yihiin xukuumadda ayna doonayaan in la aqoonsado.

Ma jirto hadal kasoo baxay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo ku saabsan waxyaabihii ay ergooyinka kala hadleen iyo natiijadii kasoo baxday, waxaase la filayaa inay warmutiyeed kasoo saaraan kulammada ay la yeesheen ergooyinkii ay maanta kula kulmeen Baydhabo.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo waxaa maanta ka dhacay bannaanbax weyn oo lagu diiddanaa maamulka saddexda gobol ka kooban, waxaana la xiray waddada aadda garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay ku sugan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.

Magaalada Baydhabo ayaa weli laga dareemayaa xiisado, inkastoo ay caawa tahay mid daggan, waxaana madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ay weli ku sugan yihiin Baydhabo, iyadoo wararku ay sheegayaan inay berri u dhoofi doonaan Muqdisho.

Maamullada lixda gobol iyo saddexda gobol ee magaalada Baydhabo kuwada sugan ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf xooggan, iyadoo maamul walba uu sheeganayo in isagu uu yahay maamulka rasmiga ah ee ka jira gobollada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ku yaalla.


Hiiraan Online , Baydhabo