4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in Dr. Macow uusan buuxin shuruudihii caafimaad ee uu ku howlgeli lahaa


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay baaritaankii caafimaad ee uu waday Dr. Cali Macow ka joojiyeen kaddib markii uu buuxin waayey shuruudaha Takhasusaadka caafimaad ee uu ku hawlgali lahaa.

Haseyeeshee Dr:Cali Macow ayaa sheegay inuu aqoon caafimeed oo uu kaga shaqaysto wadamada Yurub uu leeyahay, isla mrkaana aanay cidi aqoontiisa waxba ka sheegi Karin, waxaanu sheegay inuu buuxiyey shuruuddihii ay ku xidheen guddidda mihnadleyda caafimaad ee Somaliland oo ka buux-buuxiyey waraaqo balse aan dib ugu soo noqon wax jawaabna u keenin.

Dr. Macow ayaa sheegay in aanu garanayn sababta loogu diiday inuu baadhitaan caafimaad ka bilaabo magaaladda Hargeysa, maadaama oo hore wasaaradu u siisay rusqad uu ku shaqeeyo.

Dhinaca kale, wakiilka dhakhtarka, Intisaar Maxamed Cali ayaa sheegtay inay haysato waraaqdii wasiirka Caafimadku ugu ogolaanayo inuu dhakhtarku ka hawlgallo Somaliland, haseyeeshee ay amaro aanay garanayn cid soo dirtay ay shaqadii ay wadeen joojiyeen.

“Waxaan ka codsanayaa xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo in ay arinta digtoorka ku dhacday ay dib ugu noqoto,  waxaan leeyahay haddii la tixgalin waayey waraaqda uu qoray wasiirka caafimaadku ee ogolaashaha ku siiyey digtoor Macow, ee ka hor inta aanu dhakhtarku iman lagu wargelin waayey in aanu iman ee markii uu bilaabay shaqadda uun ciidanka loogu soo diray waa arrin khalad ah ee dib ha loo eego, maxa inta aanu iman loo odhan waayey iska joog ilayn waa kii xayeysiiskiisu muddo bil ah socdaye”ayey tidhi Intisaar Maxamed Cali oo ka hadlayey shaqo joojintii lagu sameeyey Dr:Macow oo dalka u yimid baadhitaan caafimaad inuu ku sameeyo dad Buka.

“Waxaan ogaysiinayaa dhamaan dadkii aanu ka balan qaadnay inaanu caafimaad casriyo siinayno inaanu hawshii aanu wadnay anaga oo ogolaansho ka haysana wasaarada caafimaadka Somaliland inaanu muddo saddex toddobaad, haseyeeshee la hor istaagay, iyadoo shuruudiihii lanaga doonayey aanu buuxinay”ayey ku dartay Intisaar Maxamed Cali wakiilka Digtoorka.

Intisaar ayaa sheegtay in dadweynuhu diidan yihiin in lacagtii loo celiyo, isla markaana ay codsanayaan in dhakhtarka loo fasaxo maadama oo goobo aad u fogfog ka kala yimaadeen.

Sidoo kale, Dr. Macow ayaa sheegay in wararka suuqa soogalay ee sheegaya inay isdiiwaangaliyeen laba kun oo qof aanay waxba ka jirin, balse ay isdiiwaangaliyeen shan boqol oo qof,kuwaas oo tobankii qof ee ugu horeeyey isagoo baadhitaan ku samaynaya laga joojiyey.

Dhakhtarku wuxuu sheegay in lacagta laga qaaday dadkan Buka ee afartanka dollar aanay kaliya ahayn diiwaangelin oo qudha balse ay ahayd daaweyntiisa iyo baadhitaanka qofka buka, haseyeeshee dadku si kale u turjumeen in lacag badan laga qaadayo aragta dhakhtarka.

Si kastaba ha ahaatee, dadweyne aad u faro badan ayaa iska diiwaangaliyey xarunta uu dhakhtarku ka hawlgali lahaa, taas oo qof kasta laga qaaday afartan dollar qofkiiba, haseyeeshee dadweynihii lacagta laga qaaday ay maanta mudaharaad ay kaga cabanayeen  in lacagtoodii helaan ama dhakhtarkii helaan ka hor dhigay wasaaradda Caafimaadka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland