4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Maxkamada Ciidamada oo dil ku xukunay ruux la sheegay inuu dil geystay

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday ruux lagu eedeyay inuu toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo ruuxan ay maxkamadu sheegtay in sidoo kale lagu helay inuu Al-shabaab ka tirsanaa.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada, Col. Liibaan Cali Yaroow oo xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo, Maxamed Isaaq Cabdi Cumar uu sanadkii hore dil u geystay sarkaal magaciisa lagu sheegay, Col. Xuseen Cumar Hilowle oo lagu naaneysi jiray Moja-Moja.

"Maxkamadu waxay dhageysatay markhaatiyaashii ku marag-kacayay eedeysanaha 21-jir ah, waxaana cadaatay inuu laba xabadood ku dhiftay, sidaa daraadeed waxay maxkamadu ku xukuntay eedeysane Maxamed Isaaq Cabdi Cumar dil toogasho," ayuu yiri Col. Yaroow. Isagoo xusay inay xukunka u cuskadeen diinta Islaamka iyo sharciyada ciqaabta dalka.

Sidoo kale, Col. Liibaan Yaroow ayaa xusay in ruuxa la xukumay uu xukunkiisa ka qaadan karo racfaan, isagoo tilmaamay in maxkamadda ay horyaallaan dacwooyin la xiriira dil ay gesyteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Garyaqaan Maxamed Xuseen Rooble oo u doodayay eedeysanaha la xukumay ayaa isna sheegay in xukunka uu yahay mid aanay ku qanacsanayn ayna warqad rafcaan ah geyn doonaan maxkamada rafcaanka.

“Xukunku wuxuu ahaa mid si wanaagsan u dhacay, balse inagu kuma qanacsanin, sidaa daraadeed waxaan go’aansanay inaan rafcaan ka qaadano, waayo dadkii ku marqaati furayay Maxamed Isaaq waxay ahaayeen laba ruux, inaguna waxaan hor-keenay maxkamada sadex markhaati waxna waa lagu qaadan waayay hadalkooda,” ayuu yiri Avv. Rooble.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horay xukunno dil ah ugu riday askar ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya iyo xubno la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen oo dilal geystay, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu fuliyay xukunadii dilka ahaa, halka kuwo kalena ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya