4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Puntland oo sheegtay inay qabatay 20-qof oo Al-shabaab ka tirsan (SAWIRO)


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Wsaaradda amniga Puntland ayaa maanta sheegtay inay dad kala duwan ku qabtay howlgallo amniga lagu sugayay oo 48-dii saac ee lasoo dhaafay laga sameeyay Boosaaso, Garoowe iyo Galkacayo.

Howlagallada waxaa lagu sheegay inay ahaayeen kuwo lugu beegsanayay rag ka tirsan Al-shabaab, waxaana Puntlad ay sheegtay tiradii ugu badnayd oo ka tirsan Al-shabaab inay deegaannadodoa ku qabteen, gaar ahaana magaalooyin ay ka mid tahay Garoowe oo ah caasimadda Puntland.

Waxaa la sheegay in howlgalladu ay yimaadeen kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in rag ka tirsan Al-shabaab ay u soo baxsadeen deegaannada nabaddu ka jirto oo ay Puntland ka mid tahay, waxaana wasaaradda amnigu ay shaaca ka qaaday in howlgaladaas lagu qabtay 20-qof oo ururka Al-shabaab lala xiriirinayo.

Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore), wasiirka amniga Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay xaruunta wasaaradda amniga Puntland ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay dadkaas kala duwan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Waxuu shirkiisa kusoo qaaday in ciidamada amnigu ay qabteen agabyo kala duwan oo raga ay gacanta ku hayaan ay ku doonayeen in nabad-gelyadda wax ku yeelaan, isagoo arrintaas ka hadlayey ayuu sheegay in ay weli socoto baaritaano ay wadaan hay’adaha baarista.

"Laamaha amniga Puntland ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dad tiradoodu gaarayso 20-qof, qalab iyo agab kale oo ay wateen, kuwaasoo ay ku doonayeen inay falal Argagixiso oo ka dhan ah dowladda iyo shacabka ku fuliyaan,” ayuu yiri wasiirka Amniga Aloore.

Agabaka ay wasaaraddu soo bandhigtay waxaay isugu jiraan bambooyin, fiilooyin iyo qalab kale oo ah kuwa qaraxyada lagu abaabulo, waxaana lagu qabtay howlgal laga fuliyay Garoowe saacadihii ugu dambeeyay.

“Way socon doonaan howlgalladu, waaxana si wadajir ah laamaha ammaanku baaritaanno uga wadaan dhammaanba deegaannada Puntland,  markay ay soo dhamaadaan  waxaan u soo bandhigi doonnaa shacabka Puntland iyo caalamka,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in ujeeddada holwgallada laga leeyahay ay yihiin xoojinta amniga.

Howgallada xilligan ka socda Puntland, waxay yimaadeen xilli dhawaan ay sheegtay wasaaradda amniga in xubno ka mid ah Al-shabaab ay soo gaareen deegaannada Puntland, kuwaaso kasoo cararaya dagaallada ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula dirirayaan kooxda Al-shabaab.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya