4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Xisbiga AKP oo guul ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee Turkiga


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Xisbiga cadaallada iyo horumarinta dalka Turkiga ee AKP ayaa helay 47.5%, codadkii doorashada dowladaha hoose ee Turkiga oo shalay la soo gaba-gabeeyay  ,taasi oo ay si rasmi ah  ugu qayb-galayeen dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaas.

Tartanka ugu adag ayaa ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee dalkaas, waxaana xisbiga ku soo xiga ee CHP  uu helay codadkii la tiriyay 27.6%.iyadoo xisbigan  uu si aad ah uga soo horjeedo habka ay u shaqayso xukuumadda Erdogon.

81 magaalo oo ka tirsan dalka Turkiga ayaa codadka doorashada  laga dhiibtay waxaana 74-kamid ah  magaalooyinkaas ay guushu ku  raacday xisbiga AKP ,iyadoo markii ugu horeysay  taarikhda dalkaas ay gabar xijaaban noqon doonto guddoomiye degmo gaar ahaan degmada Meran.

"Tani waxay jawaab u tahay siyaasiyiinta aan anshaxa lahayn iyo kuwa aan wax himilooyin ah lahay"ayuu yiri Erdogan oo taageerayaashiisa kula hadlayay isu soo baxyo ay taageerayashiisu ka sameeyeen meelo kala duwan oo dalka ah .

Xisbiga uu hogaamiyo Erdogan ayaa lagu eedeeyay in uu musuq-maasuq baahsan ka dhax-sameeyay gudaha dalka ,waxaana fadeexadda arintan la xiriirta ay soo shaac baxday ka dib markii ay is -casileen  xubno muhiim ah oo dowladdiisa ka tirsanaa.

"Dadka oo dhan waa ay ku faraxsanyihiin qaabka ay dowladdu  u maaraysay dhaqaalaha dalka oo markii hore aan wanaagsanayn," ayuu yiri Fadi Hakura oo ah falanqeeye dhinaca siyaasadda ah kana how-galka machad  fadhigiisuna yahay London.

Ugu danbayntii doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Turkiga ayaa dhici doona bisha Agoosto ee sanadkan ,waxaana si hor dhac ah loo sii shaaciyay suurtagal-nimada uu xisbiga AK-Party ku sii maamuli karo dalka,maadaama muddo 12s-sano ah u soo hogaaminayay dalka.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]