4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Madaxweyne Xasan Shiikh & Jawaari oo kulamo la leh ergooyin iyo siyaasiyiin

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa la leh kulammo ergooyin iyo siyaasiyiinta gobolka Bay.

Kulanka oo ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa wuxuu ka socdaa xerada 60-aad oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo ay deggen yihiin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ergooyinka iyo siyaasiyiinta ay kulanka la leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda Somalia ugu sarreysa ayaa laga soo xulay xubnihii wax ka dhisay maamulka lixda gobolka ee Koonfur-galbeed, iyadoo kulanku uu socdo haatan muddo saacado ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saakay la kulmay mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo guddi ay soo xuleen ay la kulmayaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo xalay ku hoyday Baydhabo.

Sidoo kale, dadweyne reer Baydhabo ayaa waxay tuban yihiin illinka hore halka uu ka socdo shirka ay leeyihiin ergooyinka, siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa oo sugaya natiijada kasoo baxda kulankan ay albaabbadu u xiran yihiin.

Afhayeenka ergooyinkii la kulmay madaxweynaha ayaa kulanka kaddib si kooban uGu sheegay warbaahinta in madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay isku afgarteen kulankii ay la yeesheeen. Isagoo xusay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay safar aadayaan, markaas kaddibna ay dib ugu soo laabanayaan Baydhabo, wadahadalkuna uu sii socon doono.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka yaa isku dayaya inay xal ka gaaraan muranka maamul-sameynta ee waayadan Baydhabo ka jiray, balse lama oga in kulanka la isku fahmi doono iyo in kale.

Dhanka kale, madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ayaa hadda kulan kula jira ergooyin ka mid ah kuwii wax ka dhisay maamulka saddexda gobol ka kooban, iyadoo kulankanna aan la ogeyn inta saacadood ee uu qaadan karo.

Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa weli kacsan, iyadoo qorshaha la doonayo in xal looga gaari muranka maamullada u dhexeeya ee Baydhabo ka kooban ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xal ka gaaristooda.

Dadweyne dibadbax kooban ka dhigay Baydhabo ayaa maanta jirdil u geystay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada, kaasoo ka tirsan Horn-Cable TV oo ah telefishin ku hadla afka Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Hargeysa.

Wixii kasoo kordha kulanka kula soco wararkeenna dambe, haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya