4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Dhallinyaro Baratay Kalluumeysiga oo Tababbar loogu soo Xiray Kismaayo
Isniin, March 31, 2014(HOL) :- Hay’adda  Horumarinta Jubooyinka ee “Jubba Development Organisation” ayaa maanta tababarro ku aadan xirfadda kalluumeysiga usoo xirtay  dhalinyaro shaqo la’aan ahayd oo gaareeysa ilaa 10, kuwaasoo ay bareen xirfadda Kalluumeysiga iyagoo sidoo kale ku wareejiyay qalabka lagu kalluumeysto.

 Masuuliyadda Hay’adda  ayaa sheegay in mashruucan hadafkiisu yahay in ay uga faa’iideeyaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah, waxayna sheegeen in ay doonayaan in ay shaqo abuuris u sameeyaan dhalinta hubeeysan.

Agaasimaha hay’adda horumarinta Jubooyinka Mudane Fu’aad Bashiir Sheekhoow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in mashaariic badan ay ka fuliyaan gobollada Jubooyinka, kuwaasoo ay wax ugu qabanayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.
“Waxaan rabnaa in dhalinyarada hubka sidata aan u sameeyo shaqo abuuris, oo aan barno sidii kheyraadka ku jira badooda ay ula soo bixi lahaayeen,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Agaasimaha hay’adda ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid ka caawisay qalabka iyo tabarrada ay siiyeen dhalinyarada, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay, Maamulka, qurbajoogta iyo dowladda Soomaaliyaba in ay gacan ka geystaan sidii dhalinyarada looga  caawin lahaa in ay bartaan xirafado ay ku shaqeystaan.

Qaar kamid ah dhalintii ka faa’ideysatay tababarka ay hay’adda horumarinta Jubooyinka ay siisay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay bartaan xirfadda kalluumeysiga, waxayna sheegeen in sidoo kale la siiyay qalab ay ku kalluumeystaan.

Gobollada Jubooyinka oo leh xeeb aad u dheer islamarkaana qani ku ah Kaluunka iyo wax soo saarka badda ayaysan jirin cid si rasmi ah uga faa’iideysato, waxaana taasi loo aaneynaa iyadoo bulshada ku dhaqan Jubooyinka aysan aqoon u leh xirfadda kalluumeysiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya