Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Kal-fadhi aan caadi ahayn oo u furmay Baarlammaanka Puntland (SAWIRRO)
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wakiillada ee Puntland.
Kal-fadhigan oo ah kii labaad ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu yeesho tan iyo markii la dhaariyey bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, waxaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu gorfeyn doono kamid ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014.
Fadhiga baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 48 xildhibaan oo kamid ah 66-da xildhibaan ee Goluhu uu ka kooban yahay, waxaa ugu horreyn khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey Madaxweyne Gaas.
Madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyey safarro uu dhowaan ku tegey qaar kamid ah gobollada Puntland, kulammo uu la yeeshay bulshooyinka gobolladaas ku dhaqan; iyo safiiro ka tirsan kuwa Midowga Yurub iyo weliba waxyaabaha uu kala hadlay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Wuxuuna sheegay in dhammaan deegaannadii uu tegey si weyn loogu soo dhoweeyey, dadkuna ay sheegeen in ay dowladda si fiican ula shaqeyn doonaan, balse ay codsadeen in dowladdu ay dadaal badan ku bixiso sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.
Ugu dambeyntii wuxuu C/weli Gaas ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay dib ugu laabtaan si joogta ahna uga war hayaan deegaannadii laga soo doortay, maadaama ay mas'uuliyad weyni ka saaran tahay horumarinta deegaannadii ay ka yimaadeen iyo weliba nolosha dadkii usoo xushay inay metelaan.
Dhanka kale, waxaa isna Golaha la hadlay Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, isagoo si kooban uga warbixiyey misaaniyadda dowladda ee sanadka 2014, iyo weliba meelaha ay dowladu u qorsheysay in miisaaniyadda badankeeda lagu bixiyo.
Shire Xaaji wuxuu xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday inay si fiican uga doodaan misaaniyadda, sida ugu dhaqsaha badanna u ansixiyaan, maadaama ansixinta miisaaniyadda ay ku xiran yihiin qorsheyaal badan oo horumarinta Puntland la xiriira.
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maalamaha soo socda ka doodi doona misaaniyadda sanadka 2014 oo dhowaan ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisey.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Xisbiga TAYO oo Yeeshay kulankoodii ugu Horreeyay ee Sannadkan 2014-ka
3/31/2014 2:58 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —Xisbiga TAYO ayaa kulankiisii ugu horreeyay oo ay yeeshaan sannadkan 2014-ka qabtay, iyadoo shirkan looga hadlay sidii uu xisbigu taageero uga heli lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Isbitaal Casri ah oo Dowladda Turkiga ay ka Hir-gelisay Muqdisho (SAWIRRO)
3/31/2014 2:12 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Isbiltaalka DEVA oo ah oo xarun caafimaad oo casri ah oo magaalada Mqudisho ay ka hirgelisay dowladda Turkiga, iyagoo lagu soo bandhigay shalay adeegyada caafimaad ee bulshada ay u qabanayaan.
Wararkii ugu dambeeyay kulammadii ka dhacay degmada Baydhabo (SAWIRRO)
3/31/2014 1:34 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa habeenkii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay, iyagoo maanta kulammo kala duwan la yeeshay ergooyin ka kala socday maamulladii looga dhawaaqay Baydhabo.
Booliiska Galmudug iyo Puntland oo howlgallo ka wada Gaalkacyo (SAWIRRO)
3/31/2014 1:11 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Maamullada Puntland iyo Gal-mudug ayaa markii ugu horreysay magaalada Gaalkacyo si wadajir ah uga billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga baqdin qabo in xubno ka tirsan Al-shabaab ay Gaalkacyo kusoo dhuuntaan.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in Dr. Macow uusan buuxin shuruudihii caafimaad ee uu ku howlgeli lahaa
3/31/2014 12:53 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay baaritaankii caafimaad ee uu waday Dr:Cali Macow ka joojiyeen ka dib markii uu buuxin waayey shuruudaha Takhasusaadka caafimaad ee uu ku hawlgali lahaa.
Maxkamada Ciidamada oo dil ku xukunay ruux la sheegay inuu dil geystay
3/31/2014 12:47 PM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday ruux lagu eedeyay inuu toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo ruuxan ay maxkamadu sheegtay in sidoo kale lagu helay inuu Al-shabaab ka tirsanaa.
Puntland oo sheegtay inay qabatay 20-qof oo Al-shabaab ka tirsan (SAWIRO)
3/31/2014 10:55 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Wsaaradda amniga Puntland ayaa maanta sheegtay inay dad kala duwan ku qabtay howlgallo amniga lagu sugayay oo 48-dii saac ee lasoo dhaafay laga sameeyay Boosaaso, Garoowe iyo Galkacayo.
Xisbiga AKP oo guul ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee Turkiga
3/31/2014 10:45 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Xisbiga cadaallada iyo horumarinta dalka Turkiga ee AKP ayaa helay 47.5%, codadkii doorashada dowladaha hoose ee Turkiga oo shalay la soo gaba-gabeeyay ,taasi oo ay si rasmi ah ugu qayb-galayeen dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaas.
Guddoomiye xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay hadal muran keenay
3/31/2014 10:39 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Guddiga wanaag-farista & xumaan reebista Somaliland, ayaa xilkii ka xayuubiyey gudoomiyahoodii sheikh Maxamed Xaaji Xiiray oo ay ka soo yeedhay hadal muran ku dhex abuuray bulshadda, ka dib markii uu sheegay in diintu aanay kala saraysiin magta Dumarka iyo Ragga, balse dhaqanku kala saraysiiyey.
Madaxweyne Xasan Shiikh & Jawaari oo kulamo la leh ergooyin iyo siyaasiyiin
3/31/2014 9:41 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa la leh kulammo ergooyin iyo siyaasiyiinta gobolka Bay.
Dhallinyaro Baratay Kalluumeysiga oo Tababbar loogu soo Xiray Kismaayo
3/31/2014 9:35 AM EST
Isniin, March 31, 2014(HOL) :- Hay’adda Horumarinta Jubooyinka ee “Jubba Development Organisation” ayaa maanta tababarro ku aadan xirfadda kalluumeysiga usoo xirtay dhalinyaro shaqo la’aan ahayd oo gaareeysa ilaa 10, kuwaasoo ay bareen xirfadda Kalluumeysiga iyagoo sidoo kale ku wareejiyay qalabka lagu kalluumeysto.
Markabkii ugu weynaa Maraakiibta Soomaaliya oo qarka u saaran inuu Quuso
3/31/2014 3:57 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Markabkii ugu weynaa ee ay lahayd Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Geeddii Raage ayaa qarka u saran inuu quuso, kaddib markii ay biyo badan ku faruurmeen, isagoo ku xiran dekedda magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Puntland oo Taageertay mid ka mid ah Maamulladii Baydhabo lagu dhisay
3/31/2014 3:39 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —Dowladda Puntland ayaa taageertay mid kamid ah maamullada koonfur-galeed Soomaaliya ee dhowaan lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Nairobi
3/31/2014 3:37 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax shalay gellinkii dambe ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen in qofka dhintay uu ahaa ruuxii diyaarinayay qaraxa.
Kulan looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)
3/31/2014 3:03 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay xaaladda gobolka Hiiraan iyo sida bulshada ku dhaqan isaga kaashaan lahaayeen amniga iyo in ciidamada la taageero ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu furay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Wax-garad
3/31/2014 2:45 AM EST
Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa xalay la kulmay odayaal iyo siyaasiyiin, inkastoo aan la ogeyn waxyaabihii ay kala hadleen.
Somali News
Somalia state budget to double spending in 2014
-
Reuters
3/31/2014 5:52 PM EST
MOGADISHU, March 31 (Reuters) - Somalia's budget forecasts a doubling of spending and tax revenues in 2014, the government said on Monday as it set out plans to widen the tax base in the battered nation, which still relies heavily on aid for basic humanitarian support.
Somali police should release Sky FM journalist
-
CPJ
3/31/2014 5:07 PM EST
Nairobi, March 31, 2014--The Committee to Protect Journalists calls on Somali authorities in the capital, Mogadishu, to release a radio journalist who has been held without charge since Sunday. Nuradin Hassan is an editor of Sky FM, as well as a news presenter, according to news reports and Sky FM.
Kenyan county governments, doctors feud over devolved health services
-
Sabahi
3/31/2014 4:22 PM EST
Public hospitals in Kenya are struggling to provide life-saving medical services to a large, mostly poor population of patients, as the standoff between county governments and doctors over the devolution of health services continues.
Kenya tourism reels under terror threats
-
TurkishPress
3/31/2014 2:19 PM EST
MOMBASA, Kenya – Stakeholders in Kenya's lucrative tourism industry are suffering a dearth of tourist arrivals in the country's coastal region – especially in the seaside city of Mombasa
Somalia Captures Suspect in '09 AU Base Bombing
-
VOA
3/31/2014 2:09 PM EST
The government of Somalia says it has captured two senior al-Shabab commanders, one of them a suspect in a bombing that killed more than 20 people.
5 Killed In Blast In Somali Area Of Kenya Capital
-
AP
3/31/2014 2:06 PM EST
(NAIROBI, Kenya) — Officials in Kenya say that an explosion in downtown Nairobi has killed at least five people.
Labour can stop the khat ban this afternoon - but will it?
-
Politics.co.uk
3/31/2014 10:59 AM EST
The Lib Dem rebellion over the ban on khat has opened up the chance of Labour stopping the measure dead in its tracks, but after several months it's still not clear what the party's policy is.
There's simply no case for banning khat
-
Guardian
3/31/2014 10:54 AM EST
We are finally part of Kenya, say Mandera residents at fete
-
Standard Digital
3/31/2014 2:18 AM EST
Mandera, Kenya: Mandera County marked one year of devolution with pomp and colour, with area leaders saying they had finally started getting their share of the national cake.
Judge apologises for ‘incorrect’ Muslim remark
-
Irish Times
3/31/2014 1:53 AM EST
A judge who caused outrage after claiming that “Muslims feel they can actually beat their wives” has apologised unreservedly for the “un-fortunate” remarks.
Kenya says security forces closing in terror suspects
-
Xinhua
3/31/2014 12:39 AM EST
Kenya's Deputy President William Ruto said Sunday security forces are closing in on members of the terror gang operating in the Indian Ocean port city Mombasa and other coastal areas.
Kenya: Man dies after bomb he was assembling explodes
-
AP
3/31/2014 12:37 AM EST
NAIROBI, Kenya — A man died after an explosive device he was assembling blew up in a residential area in the capital, Kenyan police officials said Sunday.
Uganda counts the costs after anti-gay law fury
-
AFP
3/31/2014 12:35 AM EST
Uganda's tough new anti-gay law prompted stiff criticism and aid cuts by Western donors, and the East African nation is now facing a heavy diplomatic and economic fallout despite its role as a key regional ally, experts say.