4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Kulan looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay xaaladda gobolka Hiiraan iyo sida bulshada ku dhaqan isaga kaashaan lahaayeen amniga iyo in ciidamada la taageero ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu furay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay ururka dhallinyarada SYL II, waxaana ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, ugaasyo, culumaa'uddiin, haween iyo saraakiil kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxaa hadal ku furay kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka oo ka war-bixiyay xaaladda gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in gobolku uu ka socdo howlgal qorsheysan oo looga saarayo Al-shabaab.

Goodax ayaa xusay in gobolka Hiiraan uu meel muhiim ah kaga yaallo dalka, isla markaana uu yahay gobol nasiib-badan, wuxuuna ka sheekeeyay xaaladihii uu soo maray gobolka iyo marxaladihii u dambeeyay.

"Waxaa u mahad-celinayaa inta soo qaban-qaabisay kulankan oo ah mid waqti munaasib ah lagu soo beegay. Runtii gobolka Hiiraan waa gobol aad u nasiib badan, waa gobol ay dadka kasoo jeeda bulshada dhexdeeda ka tilmaamaan, waa gobol dadkiisu nabad-galyada ka shaqeeyaan, balse waxaa muddo dheer gacanta ku hayay Al-shabaab, waa gobol meel muhiim ah dalka uga yaalla, waa dalka oo isku xira inuu dalku isku furmana ay wax yar uga dhiman yihiin," ayuu yiri C/llaahi Goodax.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay ka howlgalaan ciidamada ugu tayada fiican uguna wanaagsan, gaar ahaan ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal iyo ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan, waxaana uu caddeeyay in maalmihii u dambeeyay degmooyin dhowr ah laga bixiyay gacanta Al-shabaab.

Wasiirka ayaa xusay in looga baahan yahay shacabka ku nool gobolka talo iyo howl adag, gaar ahaan sidii xaaladda loo hagaajin lahaa, sida nabadgelyada iyo bulshada gobolka inay isku-duubni ka sameeyaan.

"Hadda waxaa socda qorshayaashii Al-shabaab looga saari lahaa gobolka Hiiraan oo dhan, waxa kaliya ku hareen waa Jalalaqsi, ciidamada Mahadaay ku sugan ayaa soo dhaqaaqaya dhowaan, waxaana laga saaray Maxaas iyo Moqokori, haddana xaaladu waa degen tahay," ayuu wasiirku mar kale yiri.

Dhanka kale, kulanka waxaa ka hadlay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Luqmaan Ismaaciil oo sheegay in loo baahan yahay in bulshada gobolka ay isku duubnaadaan ayna meesha ka saaraan kala qoqobka.

"Waxaa rabaa inaa dareensiiyo bulshada deggen Hiiraan inaan Islaam nahay, dad walaalo ah nahay, dhibka lasoo maray isla soo maray, in la is kala qoqobo waxba kuma imaanayaan, marka hala isku duubnaado Alle ha laga cabsado, walaanimada hala adkeeyo, gobolka hala dhiso, beeraha hala fasho," ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Luqmaan Ismaaciil.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Maxamuud Colow Barrow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo dadka reer Hiiraan uga tashanayaan masiirka gobolkooda, isagoo xusay in gobolka uu yahay mid Istiraatiiji ah oo isku xira gobolo badan.

"Xaqiiqdii waxaa sharaf noo ah in reer Hiiraan odayaasha dhaqanka, wasiirradooda, siyaasiyiinta isku meel u jeedaan kana tashanayaan sidii gobolka loo horumarin lahaa. Gobolka Hiiraan waa meel istiraatiiji ah illaa iyo gobollada dhexe illaa kuwa Puntland khudaarta ay cunaan ayaa laga qaadaa, Beledweyn waa deked barkeed iyadoo isku xirta dalka oo dhan," ayuu yiri wasiirka Kaluumeysiga, Barrow.

Wuxuu sheegay inay nasiib tahay in maanta ay isugu yimaadaan dhammaan intii matalaysay Hiiraan, waxaana uu ka codsaday shacabka gobolka inay taageeraan ciidamada milateriga iyo ciidamada AMISOM.

"Waxaa ka codsaayaa dadka reer Hiiraan inay isku meel uga soo wada-jeestaan cadowga, meelaha ay ka baxaan xitaa ceelasha matooradooda ayay qaateen, dadka inay noolaadaan uma ogola, cadawgaas inaan iska celino, inaan ciidamadeenna iyo kuwa walaalaha Jabuutina aan taageerno, una hambalyeyno si niyaddoodu ay kor ugu kaco," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Cabdullaahi Colaad Rooble, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo labaduba ka hadlay kulanka ayaa ku boorriyay shacabka reer Hiiraan in ay ka tashadaan aayahooda, iyagoo xusay in shacabka Hiiraan looga baahan yahay looga baahan waxqabad muuqda.

Ugu dambeyn, waxaa laga soo saaray kulanka war-murtiyeed ka koobanaa sagaal qodob oo ay ugu weynaayeen in bulshada la baraarujiyo, la abaabulo, la taageero ciidamada qalabka sida, in wasaaradda warfaafinta ay qaadato door wacyi-gelin, in safarro lagu tago deeggaanada laga saaray Al-shabaab iyo qodobbo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya