4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Wax-garad


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa xalay la kulmay odayaal iyo siyaasiyiin, inkastoo aan la ogeyn waxyaabihii ay kala hadleen.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa maanta inay la kulmaaan mas’uuliiinta maamullada iska-soo-horjeeda ee Baydhabo kuwada sugan, iyadoo ammaanka ay adkeeyeen ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha ayaa isku dayayaan inay xal ka gaaraan khilaaf iyo mudaaharaadyo rabshado wata oo kusoo laabaatay magaaladaas, kuwaasoo ay dhigayeen taageerayaasha Madoobe Nuunow oo diiddan maamulka saddexda gobol ka kooban ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa haatan ka socda mudaaharaadyo la mid ah kuwii shalay ka dhacay degmadaas, iyadoo ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay xireen jidka isku xira hoteelka Bakiin iyo xarunta ay dagan yihiin madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamanka.

Xubnihii maamulka Koonfur-galbeed ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin ADC-da Baydhabo, iyadoo la filayo in madaxda dowladdu ay u tagaan ayna halkaas kulamo klua yeeshaan, inkastoo aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira laba maamul oo is-diiddan kuwaaasoo mid ka mid ah uu ka kooban yahay lix gobol, halka midka kalena uu ka kooban yahay saddex gobol, iyadoo maamul walba uu sheeganayo inuu isagu yahay maamulka saxda ah.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladda Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe, haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya