4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta gelinkii hore gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaano iyo wasiirro dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Inkastoo Jawaari uusan la hadlin warbaahinta markii uu ka duulayay Muqdisho ayaa waxaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan inuu isku dayayo sidii uu u fududeyn lahaa in madaxweynuhu uu la kulmo maamullada is-diiddan ee kuwada sugan Baydhabo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo gudoomiyuhu ay kuwada sugan yihiin xerada 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin Baydhabo, iyadoo aysan jirin wax kulammo ah oo billowday.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ku wehlinaya safarkiisa tiro xildhibaanno ah oo kasoo jeeda gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha iyo wafigiisa aysan u suuro-gelin inay maamulada laga dhisay Baydhabo kulamo la yeesahaan tan iyo markii ay maanta tageen degmadaas.

Xaalada degmada Baydhabo ayaa daggan caawa, iyadoo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ammaanka aad u adkeeyeen, mana jiraan wax isku socod ah oo Baydhabo ka caawa.

Booqashada madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa salka ku haysa sidii la isugu dayi lahaa inay xal ka gaaraan khilaafka u dhexeeya maamullada laga dhisay Baydhabo, iyadoo maamulladan uu u dhexeeyo khliaaf xooggan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa bishan looga dhawaaqay labada madaxweyne oo kala hoggaamin doona maamullo laga dhisay magaaladaas oo midkood ay lix gobol ku mideysan yihiin, halka kan kalena ay ku midesayn yihiin saddex gobol.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta booqashadooda, iyadoo maamulka Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol oo ay dowladdu horay u diidday uu sheegayo in Baydhabo aysan ka jirin laba maamul, maamulka ka jirana uu yahay maamulkooda oo keliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya