4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Dibad-bax ka dhacay Baydhabo Markii Wafdiga Madaxweynuhu ay Gaareen


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta ay Baydabo gaareen maanta wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa hadana waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay abaabuleen taageerayaasha Madoobe Nuunoow Maxamed oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa lagu xiray taayarro iyo dhagaxaan, iyadoo dadka dibadbaxa dhigayay uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha maammulka Koonfur-galbeed, C/fataax Ibraahim Geeseey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Baydhabo kusoo mas’uuliyiin sare iyo xildhibaanno uu horkacayeen Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo C/llaahi Sheekh Ismaaiil. Iyadoo markaas kaddib uu madaxweyne Xasan Shiikh uu kulan la qaatay xildhibaannada Baydhabo ku sugnaa, wuxuuna soo jeediyay in uu u tago labada madaxweyne ee lagu doortay Baydhabo, isagoo farriin arrintaas ku saabsan u soo dhiibay xildhibaan Xaabsade iyo C/llaahi Sheekh Ismaaiil, iyadoo farriintaas ay ka biyo-diideen xubnaha maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban.

Xubnaha maamulka lixda gobol ayaa u sheegay xildhibaannada inaysan Baydhabo ka jirin maamul saddex gobol ka kooban, Xasan Sheekh uu tegi karo hoteel Bakiin, iyadoo aysan jirin wax kulan ah oo madaxweynaha iyo wafdigiisa ay la qaateen tan iyo markii ay yimaadeen maamullada ka jira Baydhabo.

Intaas kaddib ayay taageerayaasha Madoobe Nuunoow waxay jid-goooyo dhigeen waddada jidka garoonka illaa midka taga hoteel Bakiin, iyagoo is-hortaagay isku-socodka gaadiidka, waxayna waddooyinka ku daadiyeen dhagaxaan aad waaweyn iyo taayarro ololayo, iyadoo ciidamada AMISOM ay isku dayeen inay xoog ku jiiraan dibadbaxayaasha, balse taasi way u suuro-geli wayday.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ku sugan xarunta qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaasoo ay caawa joogi doonaan, iyadoo magaalada Baydhabo laga dareemayo xiisado.

Hiiraan Online,  Baydhabo