4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Madaxweynaha dowladda Somalia oo caawa ku hoyanaya degmada Baydhabo

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu caawa ku sugnaan doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo maanta gaaray, isagoo aan weli wax kulan ah la qaadan maamullada halkaas laga dhisay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shir jaraa’id ku qabtay goor-dhow magaalada Baydyabo ayaa sheegay inuu caawa joogo doono madaxweynaha Soomaaliya, uuna kulammo yeelan doono.

“Qorshaha socdaalka madaxweynaha waa sidii uu ugu kuurgeli lahaa howl-gallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya,“ ayuu Aadan Saransoor ku sheegay shirkiisa jaraa’id. Iyadoo wararkii hore lagu sheegay in qorshaha socdaalka ee uu Baydhabo ku tagay Baydhabo ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa maamullada iska-soo-horjeeda ee magaaladaas laga dhisay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wafdigiisu ka mid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda ayaa waxay barqo-nimadii maanta gaaray Baydhabo, iyagoo weli ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay maanta dibadbaxyo xooggan, iyadoo uu sheegay madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobo lee Koonfur-galbeed, Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in madaxweynaha ay tan iyo saakay ku sugayeen xarunta maamulkaas, welina uusan u imaan.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu kula kulmi doono Baydhabo dhinacyada iska soo horjeeda ee maamullada dhisay, balse weli aysan taas u suurogelin.

Lama oga xilliga uu madaxweynuhu kasoo noqon doono Baydhabo, iyadoo ay tahay markii labaad oo uu magaaladaas booqasho ku tago tan iyo markii xilka loo doortay daba-yaaqadii sannadkii 2012-ka.

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintaan waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya