4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Wasiirka arrimaha gudaha oo ka warbixiyay hawlaha horyaalla wasaaradiisa


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre iyo wasiir u dowlaha wasaaradda, Maxamuud Macallin Yaxye oo maanta kalan la qaatay howlwadeennada wasaaradda ayaa ka hadlay howlaha hor-yaalla wasaaradda iyo hirgalintooda.

Goodax ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay xoogga saari doonto hirgelinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyo in dalka ay doorasho xor ah ka qabsoonto marka la gaaro sannadka 2016-ka.

“Howlaha aan wax ka qabanayno waxaa ka mid ah: in dastuurka la dhameystiro, in afti dadweyne loo qaado, in dalka oo dhan aan ku baahinno nidaamka federaalka oo ah mid ay Soomaalidu dooratay iyo inay doorasho xor ah ka dhacdo Soomaaliya oo dhan marka la gaaro sannadka 2016. Howlahanna waa kuwa ugu muhiisan ee aynu doonayno inaan ka miro-dhaliso,” ayuu yiri wasiirka oo kulanka ka hadlayay.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa xusay in qorshaha dib u xasilinta dalka, gaar ahaan deegaannadii laga saaaray Al-shabaab iyo kuwii horay ay dowladdu gacanta ugu haysay ay u dajiyeen qorshe cad oo lagu wajahayo.

“Qorshahan waa mid ay dowladda oo dhan qaadanayso, waxaana ka mid ah sidii looga gaarsiin lahaa deegaannadii Al-shabaab laga saaray waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha shacabka iyo in dadka ku nool gargaar deg-deg ah la gaarsiin lahaa,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ka go’an tahay in 2016-ka ay dalka oo dhan ka hirgeliso nidaamka federaalka, taasoo uu xusay inay tahay mid ay dowladda Soomaaliya u idmatay wasaaraddiisa.

Dhinaca kale, Goodax ayaa sheegay in wasaaraddu ay u diyaarisay gar-gaar dadka ku nool deegaannadii dhawaanahan laga saaray Al-shabaab, inkastoo uu xusay inay ka mid yihiin goobahaas deegaanno hodan oo aan gargaar u baahnayn, balse dadka ku nool ay ka caawinayaan sidii ay wax-soo-saarkooda u horumarin lahaayeen.

“Al-shabaab iyo dad kale ayaa doonaya inay dadka ka barakiciyaan deegaannooda, balse dowladdu ma dhiirri-gelineyso in shacabka laga barakiciyo goobaha ay hadda ku nool yihiin, waxaana u sameynaynaa kaamam ay dadkaas ka qaataan gargaarkii ay ugu talo-gashay dowladda, ayna wasaaraddiisu ogtahay goobaha u baahan gar-gaarka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisa iyo xukuumadduba aysan ogolaan doonin qorshayaasha siyaasadeysan ee la doonayo in shacabka looga bara-kiciyo deegaannadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya