4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli Shiikh oo berri hor-tagaya Baarlamaanka Soomaaliya


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu sharraxo howlaha xukuumaddiisa ay qabanayso sannadaha soo socda.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa furitaankii kal-fadhiga baarlamaanka ka dalbaday ra’iisul wasaare C/weli inuu horyimaado golaha baarlamaanka Soomaaliya si uu sharraxaad uga bixiyo howlaha ay doonayso inay qabato xukuumaddiisa.

C/weli Sheekh Axmed ayaa laga doonayaa inuu baarlamaanka u sharraxo howlaha ay doonayso inay xukuumaddiisu qabato sannadaha soo socda, sida howsha nooca ay tahay iyo xilliga ay qabanayso.

Hadalkan ayaa waxaa kulankii baarlamaanka ee manta ka sheegay guddoonka sare, iyagoo ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan kulankan si ay wax uga weydiiyaan ra’iisul waasaraha sharraxaadka howlaha ay qabanayso xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay inuu hor-tago baarlamaanka si uu ugu sharraxo howlaha xukuumaddiisa horyaalla dhowrka sano ee soo socda.

Mudane C/weli Sheekh ayaa xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore ee 2013, kaddib markii baarlamaanku ay kalsoonida kala laabteen ra’iisul wasaarihii ka horreeyay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo lagu eedeeyay howlgudasho la’aan.

Dhanka kale, xildhibaanadii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa hadallo ay jeediyeen kaga hadlay howlaha sannadkan horyaalla baarlamaanka, iyagoo soo jeediyay in la saaro xoogga dib u habeynta dastuurka dalka oo qabyo ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya