4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u duulay Baydhabo

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) —Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa goor dhow ka duulay wafdi ballaaran oo uu horkacayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiir ku-xigeennada wasaaradaha ammaanka, arrimaha gudaha iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida, waxay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Aabaabul xooggan oo ku aadan sidii wafdiga madaxweynaha loosoo dhoweyn lahaa ayaa xilligan magaalada Baydhabo ka socda, waxaana si aad ah loo adkeeyey ammaanka iyadoo xalay ilaa maanta ay xiran yihiin qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa inta uu Baydhabo ku sugan yahay uu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada. Ujeedada ugu weyn ee safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii loosoo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee degmada Baydhabo ka aloosan.

Booqashadani waa tii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Baydhabo ku tago, laga soo bilaabo markii gacan ku haynta degmadaas lagala wareegay Xarakada Al-shabaab.

Waxayna kusoo aadeysaa xilli ay dhowaan soo gaba gaboobeen shirar is khilaafsan oo lagu soo dhisay labo maamul oo midkood uu saddex gobol ku saleysan yahay midka kalena lix gobol, labadaas maamul oo mid kastaa uu sheeganayo inuu hoggaamin doono Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed oo qayb ka noqon doona Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wixii warar ah oo kasoo kordha socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta Baydhabo ugu amba baxay, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa....

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya