4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Madaafiic lagu Weeraray Buurdhuubo iyo Iskahorimaad ka dhacay Gendershe

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Madaafiic culus ayaa xalay lagu garaacay Buur-dhuubo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, halkaasoo todobaadyo ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM xoogagga Al-shabaab oo muddu sannado ah ka talinayay.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ahaayeen kuwo fara badan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntan ka dhashay, waxaana dadkii horay uga barakacay degmadaas oo weli ku sugan duleedyada ay sheegeen inay maqleen madaafiic culus.

Maamulka gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan madaafiicda xalay lagu duqeeyay degmadaas, waxaana degmada ku sugan ciidammo isugu jira Somali iyo Itoobiyaan ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhanka kale, xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay shalay la wareegeen gacan ku haynteeda xoogagga Al-shabaab.

Lama oga khassaaraha ka dhashay dagaalka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen maydadka dhowr qof oo dagaalka ku dhintay, waxaana deegaankan uu ka mid noqonayaa deegaannada ay sida aadka ah ugu loolamayaan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Iska-horimaadkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay laba qof oo kala ahaa ganacsade iyo turjubaan u shaqeynayay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagu dilay gudaha degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dilalkan ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo ay u suuro-gashay inay baxsadaan, iyadoo maamulku uusan sheegin cid uu weli u qabtay dilalkii shalay ka dhacay degmada Marko.

Al-shabaab ayaan weli dhankeeda ka hadlin duqeynta degmada Buurdhuubo iyo iska-horimaadkii xalay ka dhacay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya