4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Kenya oo loogu baaqay inay dib uga laabato Go’aanka dib u celinta Qoxootiga

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay dib uga laabato go’aanka ay ku doonayso inay 50,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool magaalooyinka ay ku aadaan qaar ka mid ah xeryaha qoxootiga Kenya.

Qoxootiga amarkan lagu siiyay inay xeryaha ku noqdaan ayaa dhammaantood ah Soomaali, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku uu si cad u sheegay in qoxootiga ay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadhaab iyo Kakumo.

“Ammaan-darradu waxay saameynaynaa dadka oo dhan, in qoxootiga eedda dusha laga saarana waa mid aan wanaagsanayn. Tani waxay keentay in dad badan si aan sharci ahayn loo xir-xiro, laguna xadgudbo sharafta dadka,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda UNHCR.

Hay’adda qoxootiga adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in goobaha la doonayo inay dadkan tagaan ee xeryaha ah ay yihiin kuwo aan ammaan ahaan la isku halleyn karin.

“Xukuumadda Kenya xiriirro hoose ayaan la sameynay, si aan ugala hadalno walaaca ay ka qabto ammaankeeda iyo inay tixgeliso heshiisyadii caalamiga ah ee ay wax ka saxiixday,” ayaa lagu yiri warbixinta UNCHR ay soo saartay.

Bishan Maarso 25-keedii, ayuu wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Lenku wuxuu ka sheegay warbaahinta in qoxootiga Soomaalida ah ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid ammaanka lagu adkeynayo.

Dhanka kale, hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Kenya ay taariikh u lahayd inay marti-geliso kumannaan qoxooti ah, waxaana haatan Kenya ku sugan in ka badan 550,000 oo qoxooti ah, kuwaasoo 430,000 oo ka mid ahay Soomaali yihiin.

Hadalka ha’yadahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Jimcihii uu madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta la kulmay ganacasto iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaasoo uu kala hadlay la dagaalanka wuxuu ugu yeeray argagaxisada iyo ka qaybgalka sugidda ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya