4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Madaxweyne Gaas oo Shaaciyay inuu Wadahadallo la furayo Dowladda Dhexe


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu wadahadallo la furo dowladda federaalka Soomaaliya, si mad madowga jira meesha looga saaro.

C/wali Gaas ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da, isagoo muujiyay aragti ka duwan tii maamulkii isaga ka horreeyay ee uu hoggaaminayay C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, kaasoo xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya.

"Diyaar ayaa u nahay inaan wadhadal la furno dowladda federaalka, waayo waxaan ka mid nahay federaalka, sidaas darteed in la wadahadlo; wixii madmadow ah ee jirana laga gudbo mar walba waan ku dadaali jirnay," ayuu yiri C/wali Gaas.

Is-bedelka dhinaca hoggaanka ee ka dhacay Puntland horraantii bishii Janaayo ayay dad badan saadaaliyeen inay wax badan iska bedeli doonaan xiriirka u u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Faroole ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay wax badan ka bedeshay dastuurka KMG-ka ah, isagoo sheegay inuu taas awgeed xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya.

Nidaamka federaalka ayaa saldhig u ah inuu hirgalo dowlad-goboleedyo, waxaana arrintan ka jira is-qab-qabsi badan oo la xiriira habka maamullada loo dhisayo iyo sida ay ku shaqeynayaan.

Dastuurka u dagsan Soomaaliya ayaa dhigaya wax ka badan labo gobol ay noqon karaan maamul goboleed, hase ahaatee waxaa soo if-baxaya in gobollada dalka ay gundaha iskula jiraan, maadaama koox walba ay doonayso inay laba gobol iyo wixi ka badan ka dhigtaan maamul goboleed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya