4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka hadlay Howlgalka Ciidamada AMISOM


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa shaki geliyay in heshiisyo la ogyahay ay ciidamada AMISOM kaga howlgalaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay ka mid noqoshada ciidamada dalalka safka hore ay ka mid noqdeen howl-galka AMISOM.

Xildhibaanka ayaa ayaa sheegay in ciidamada dalalka safka hore uu horay baarlamaanku u diiday, balse ay hadda ka mid noqdeen howlgalka AMISOM, iyadoo aanu baarlamanaku waxba ka ogeyn heshiisyada ay uga mid noqdeen howlgalkan.

"Ciidamada AMISOM howlgalkooda wax aan ka ognahay ma jirto, waxaa doonaynaa in la horkeeno heshiisyada howlgalka AMISOM baarlamaanka Soomaaliya si aanu wax badan uga ogaanno," ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka mid ahaa murashaxiintii ugu cad-caddaa doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya sannadkii 2012-ka.

Mar uu ka hadlay ciidamada safka hore oo hadda doorka weyn ka qaadanaya howlgalka AMISOM ayuu sheegay inaan arrintooda la horkeenin baarlamaanka, isla markaana aanay waxba ka ogeyn.

"Ciidanka dalalka safka hore mar hore ayuu baarlamaanka diiday, waa nagula soo daray, baarlamaan la keenay oo lagu ansixiyay ma naqaanno, haddii heshiisyo lala soo galay ma garanayno," ayuu xildhibaanku si kulul u yiri.

Sidoo kale, xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia iyo ra'iisul wasaaruhu ay heshiisyo lasoo galeen dowlado iyo shirkado ajnabi, welina aan la hor-keenn baarlamaanka, iyaguna aysan waxba ka ogeyn.

"Waa in xukuumadda ay baarlamaanka horkeento heshiisyadii lala soo galay dalalka iyo shirkadaha shisheeye. Madaxweynaha Addis Ababa ayuu tagay heshiis ayuu soo saxiixay ma naqaano, ra'iisul wasaaraha heshiis ayuu soo saxiixay ma garanayno wax uu yahay, wasiirada heshiis ayay soo saxiixeen, dhammaantood waa in la hor-keeno baarlamaanka si wax looga ogaado," ayuu hadalkiisa ku soo daray Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaan loo baahnayn in meelaha la iska fadhiyo, mushaar oo keliyana la qaato, balse loo baahan yahay in mar walba lala xisaabtamo dowlada si loo horkeeno baarlamaanka heshiisyada dibadda lagu soo saxiixo.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu ka hadlay arrinta baasaboorka iyo qaadashada kaararka aqoonsiga muwaadinimo, isagoo xusay in ummadda ay u maraan halis iyo dihbaato aad u badan.

"Waxaa dhibaato fara badan ku arkay arrrinta baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga, dad badan ayaa shaqooyinka ku waayay, carruur dhalatay oo la qaadi lahaa ayaa loo waayay, shirkad cusub ayaa baasaboorka la siiyay, way keeni weysay in dadka ay gaarsiiso baasaboorka waa in baarlamaanka go'aan ka gaaro arrintaas," ayuu si kulul u yiri xildhibaanka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa hadalkan ka jeediyay kulankii shalay uu ku yeeshay baarlamaanka Soomaaliya Muqdisho, iyadoo xildhibaannadii kale oo iyana hadlay ay diirradda saareen dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya