4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
AMISOM oo sheegtay inay ku Wajahan tahay Degmada Xeebta ah ee Baraawe


Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgaala ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin degmada xeebta ku taalla ee Baraawe, halkaasoo ah goobta ugu muhiimsan ee ay Al-shabaab gacanta ku hayso.

AMISOM ayaa sheegtay in qorshaha ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Baraawe uu ahaa mid ay dajiyeen ka hor intii aysan qabsan degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugnayd gobolka Shabeellada Hoose.

“Hadda waxaan ku wajahannahay degmada Baraawe oo ah goob muhiim ah oo ay ku sugan tahay Al-shabaab,” ayaa wareysi ay saraakiil ka tirsan AMSIOM siiyeen telefishinka Al-jazeera ee xaruntiisu tahay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Al-shabaab ayaa deegaanno dhowr ah looga qabsaday dagaalladii billowday bishii lasoo dhaafay, waxaana degmooyinkaas ka mid ah, Buulo-burte oo gobolka Hiiraan ka tirsan iyo degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ka tirsan Bakool iyo Buur-dhuubo oo iyana ka tirsan gobolka Gedo.

Sidoo kale, maalmo ka hor ayaa Al-shabaab laga qabsaday degmada Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee ay ka taliyaan, waxaana marka la isku daro degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday ay gaarayaan 10-degmo.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 22,000 oo askari ayaa waxay haatan ka howlgalaan gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya, iyagoo isku dayaya inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada ay ka taliso.

Balse Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay iska difaaci doonaan wax walba oo weerar ah oo kaga yimaada Al-shabaab, inkastoo ay laba bilood gudahood dhul badan lumiyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya