4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Danjire Kay oo ka hadlay shirarka kala duwan ee Baydhabo ka socda

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Hadal qoraal ah oo uu soo saaray danjiraha UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayuu kaga hadlay shirarka maamul-dhisidda ee ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Danjire Kay ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu si hoose ula socdo shirarka ka socda Baydhabo iyo natiijadii maanta kasoo baxday mid ka mid ah shirarka Baydhabo ka socda. Sidoo kalena uu arkay jawaabta kasoo baxday dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan shirkaas.  

“Waxaan uga  baaqayaa dhammaan dhinacyada ay arrinta khusayso inay si taxadar leh u eegaan ficil kasta oo wax u dhimi kara nabadda,“  ayuu yiri danjire Kay oo ku daray hadalkiisa in waxgaradka iyo shacabku ay ka shaqeeyaan nabadda.

“Sanadkan, waxaa aad muhiim u ah sidii lagu heli lahaa Somalia oo mid ah uuna ka hirgalay nidaamka federaalka. Dalku wuxuu soo maray caqabado fara badan oo si nabadgalyo iyo wadahadal leh looga gudbay dhawaan,” ayuu mar kale yiri Kay.  

Ergaygu wuxuu ku sheegay qoraalkiisa inuu ku dhiirigelinayo odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dadka ay arrintani khusayso inay si dhab ah u wadaan habka wada-hadalka ah ee ku dhisan siyaasadda kuna qotoma xurmeynta sharciga dalka iyo dastuurka KMG ah iyo weliba weliba heshiiska jira.

 “Qaramada Midoobay waxay sii wadaysaa taageeridda ay u hayso dadaallada ay sii waddo dowladda federaalaka Soomaaliya, kuna aaddan dib-u-heshiisiinta,” ayuu ku daray hadalkiisa ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire Kay o sii hadlayay ayaa yiri: “Xaaladda ka jirta magaalada Baydhabo waxay aad u ifisay baahida deg-degga ah ee loo qabo in dowladda Soomaaliya ay dadajiso  shaqadeeda ku aaddan habka dowlad-dhisidda Soomaaliya, waana inuu noqdaa hab loo wada dhan yahay oo ay ku jirto in la dhiso qorshe howleed tafaftiran, haddana wakhtiyeysan, kuna aaddan samaynta dowlad-goboleedyada, dhamaystirka dastuurka iyo sidoo kale dimuquraadiyeynta dalka marka la gaaro sannadka 2016-ka.”

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa xusay in uu sii wadi doono arrimahan muhiimka ah, isagoo la kaashan doona saxiibada caalamka sida: AMISOM, IGAD iyo ururka Midowga Yurub.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya