4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo degmooyin kormeeray (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Kaddib magacaabistii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab ayaa waxay maanta kormeer ku tageen isaga iyo guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Tarsan qeybo ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir.

Dagmooyinka ay maanta kormeereen wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa xarumaha dagmooyinka C/casiis, War-dhiigley, Waaberi iyo sidoo kale xarunta dab-damiska, xarunta dad-dhigista, waxayna sidoo kale soo indho-indheeyeen xarunta gurmadka deg-degga ah ee gobolka Banaadir halkaasoo ay yaallaan gaadiid kala duwan oo isugu jira Dab-damisyo iyo Ambaasyo loogu gurmado dadka ay dhibaatadu gaartay.

Jen. Muun-gaab ayaa u mahad-celiyay boqolaal dadweyne ah kuwaasoo isaga iyo wafdigii la socday kusoo dhaweeyay qaybaha uu maanta kormeeray, isagoo ku ammaanay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir wax-qabadkooda muuqda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dhawaan ayaa la filayaa in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu xilka kala  wareego guddoomiyihii ka horreeyay, waxaana la filayaa in gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir uu wareejiyo dhamaan agabka iyo dukumiintiyada maamulku uu ku shaqeynayay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Muun-gaab ayaa waxay booqdeen xarunta laga qaato kaararka aqoonsiga Soomaalinimada, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u fara badan, kuwaasoo qaadayay kaararka aqoonsiga.

Waa markii ugu horreysay oo guddooiyaha cusub ee gobolka Banaadir aha duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab uu kormeer ku tago xarumaha dagmooyinka gobolka Banaadir.

Kormeerka kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo sheegay in guddoomiyaha gobolka uu si hoose uga war-qabi doono dhammaan dagmooyinka gobolka Banaadir, isl amarkaana uu hoos u fiirin doono xaaladaha amniga caasimadda.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay inay jiri doonaan kulamo wada-tashi ah oo qaybaha bulshada Muqdisho uu la qaadan doono Muungaab, isagoo kala hadli doona arrimo ay ugu waaweyn yihiin ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya