4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Xoghayaha Guud ee Golaha Baarlamanka Puntland oo la Magacaabay


Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Puntland , Siciid Xasan Shire ayaa maanta lagu magacaabay xog-hayaha guud ee golaha wakiillada.

Xilkan waxaa loo magacaabay, Cali Axmed Saalax oo horay u ahaa ku-xigeenka xoghayihii hore ee baarlamaanka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame oo haatan ah wasiirka caddaaladda ee xukuumadda cusub.

Cali Axmed Saalax (Dhahar) ayaa ah aqoonyahan wuxuuna ku dhashay degmada Badhan bishii July ee sannadkii 1963-kii.

Hoos ka akhriso wareegto lagu magacaabay xoghayaha baarlamaanka Puntland:

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya