4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Madoobe Nuunow oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Madoobe Nuunow Maxamed ayaa Isniinta maanta ah loo doortay madaxweynaha maamulka gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday xarunta ADC-da Baydhabo, xilli dowladdu ay sheegtay inay taageersan tahay maamul u sameynta saddex gobol oo keliya.

Shirkan oo muddo ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa isna bar-bar socday shir kale oo la doonayo in lagu dhiso maamul sadex gobol ka kooban, kaasoo ay dowladda Soomaaliya soo dhaweysay.

Murashaxiinta u tartamayay xilkan oo tiradoodu ahayd toddoba ayaa waxaa ku haray wareeggii koowaad afar murashax, waxaana wareegii labaad u soo gudbeen saddex murashax oo kala ahaa, Madoobe Nuunow, C/fitaax Geeseey iyo Maxamed Aadan Fargeeti.

Intii uusan billaaban wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay C/fitaax Ibraahim Geeseey iyadoo wareegga labaad ay ku tartameen Madoobe Nuunow iyo Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow uu helay 44-cod oo ka mid ahaa 73-kii xubnood ee codeynayay, halka Fargeeti uu helay 23-cod, waxaana xumaaday toddoba cod.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed loo doortay ayaa horay uga soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee Somalia, waxaana maamulka uu hoggaaminayo uu maamuli doonaa gobollada, Bay, Gedo, Jubbooyinka, Shabeellada Hoose iyo Bakool.

Gobollada Jubbooyinka oo la sheegay in maamulkan ay hoos-imaanayaan ayaa waxaa ka jira maamul KMG ah oo lagu magacaabo Jubba, kaasoo ay dowladda Soomaaliya raalli ka tahay, lama oga jawaabta ay dowladda Soomaaliya ay ka bixin doonto maamulka madaxweynihiisa lagu doortay Baydhabo.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday inay taageersan tahay in maamul ka kooban saddex gobol laga sameeyo Baydhabo ayaa haddan doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku jiro Sheekh Aadan Madoobe.

Lama go’aanka ay dowladda Somalia ka qaadan doonto doorashada maanta loogu doortay madaxweynaha Madoobe Nuunoow Maxamed, iyadoo lagu wado in berri oo Talaado ah la doorto iyagana madaxweyne ku xigeennada maamulka lixda gobol ay ku mideysan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya