4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Maayirka Hargeysa oo ka hadlay ujeedada safar uu ku aaday Jabuuti


Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Maayirka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa u dhoofay dalka Jabuuti oo uu marti qaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Jabuuti.

Maayir Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu saddex cisho ku sugnaan doono dalka Jabuuti, isla markaana wax kala korodhsan doonaan maayirka Jabuuti, isagoo sheegay inuu ka faa’iidaysan doono waayo aragnimadda ay dheer yihiin magaaladda Jabuuti, maadaama oo magaaladda Hargeysa  ku burburtay wakhtiyadii dagaaladdu ka socdeen.

“Waxaan u baxayaa safar Jabuuti ah oo aan marti qaad rasmi ah ka helay, Maayirka Jabuuti, anigoo ku maqnaan doona saddex cisho, safarkaasi wuxuu ku saabsanaan doona wada shaqaynta labada magaalo iyo in aanu is waydaarsano wixii khibrad ah ee aanu is dheernahay, maadaama inagu ka soo doognay dagaaladiikii u dhexeeyey Siyaad Bare iyo SNM ku burburtay magaaladda Hargeysa sidii magaaladii Jabaan ee Hareshoomo oo kale, Jabuutina ay ahayd magaalo dhisan oo intaas dhisnayd in aanu khibrad ka soo korodhsanno ayaanu u baahnahay”ayuu yidhi maayirka Hargeysa oo ka hadlayey ujeedadda safarkiisa.

Sidoo kale, waxa uu maayirku ka hadlay digniino uu hore u diray dadka jaadka ku iibiya agagaarka xaafadda Shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay digniintii kaga eegtahy maanta, isla markaana wixii ka dambeeya aan la ogolayn in jaad lagu iibiyo agagaarkaasi, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxa kale oo jiray wakhtigii aanu digniinta ku bixinay shacabka agagaarkiisa kolayada Jaadka ah ee yaalay oo ku eeg maanta, maalinta ku xigtana olole lagu qaadi doono oo lagu nadiifin doonaa agaasi, isla markaana aan lagu iibin doonin wax jaad ah wadooyinka dhinaceedda”

Maayirka Hargeysa ayaa wadda Qorshe ay ku qurxinayaan magaaladda, isla markaana waxay toddobaadkan ka hirgaliyeen laambadaha qoraxda ku shaqaysa, kuwaas oo ay ku xidhi doonaan wadooyinka hareerahoodda si looga raysto madowga habeenkii.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland